WararkaWaxbarashada

Dilaa Ruush Ah oo Nafta Dhaafiyay 78 Haween Ah Si uu Magaaladiisa U Nadiifiyo!

Maxkamad Ruushka ku taalla ayaa dacwado cusub ku soo oogtay dilaa nafta dhaafiyay dumar farabadan, waa sida ay sheegeen warbahaanta.

Eedaymahan cusub ee loo haysto ayaa dilaaga (Miikhaa’iil Bokoof) ee ku takhasusay tirada dumarka loo haysto ay gaarsiisan tahay 78 dumar ah, halka xeer ilaaliyuhu uu ku adkeysanayo in tirada dumarka uu dilay ay gaarayaan 81, waa sida ay sheegayso jariidada(Mirror)  ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Dilaagan ayaa markii horeba waxa uu ku xukunnaa xabsi daa’im, sidaad darteed, xukunka maxkamadda Erkotiski ee Seyberia waxey ka dhigan tahay in dilaagan cimirigiisa inta ka dhiman uu ku qaadan doono xabsi ku yaalla meel cidlo ah oo dhulka meelaha ugu fogfog ka dhisan, waana ciqaabta ugu daran ee Ruushka ka jirta, maadama xukunka dilka ah dalkaas laga mamnuucay.

Bokoof, oo 54 jir ah ayaa naftiisa ku diaafacay inuu dilka u geystay dumarka jirkooda ka gacansada si uu magaalada uga nadiifiyo, halka baaritaannada la sameeyay lagu ogaaday in dumarka uu dilay intooda badan u kufsnayay inta aanuu dilil ka hor.

Bokoof waxa uu dilka soo bilaabay 1992, kadib markii uu burburay midowgii Sowfiyati, dilkiisii ugu dambeeyay waxa uu geystay 2010, dumarka uu dilay da’doodu waxey u dhaxeysay 18 sano illaa 50 jir.

Xeer ilaaliyaha guud Alaksandar Shakiyeenoof ayaa waxa uu yiri: (Xaaladdiisu wey daganeyd marka uu maqlay xukunka xabsi daa’imk ah ee lagu riday, laakiin waxa uu aad u xanaaqay markii darajadiisa laga xanyuubiyay ee xabsiga la dhigay, arrintaas oo ka dhigan inaan la siineyn lacago gunno ah oo uu ku qaadan jaray darajadiisa oo u dhigatan 258 oo pound)

Dumarka waxa uu ku ugaarsanayay inuu ugu yeero casuumaad habeen isagoo adeegsanaya gaarigiisa booliska xilliga uu nasashada ku jiro, xilliyada qaar dembiyada uu geysto isagaa baaritaankooda ka qeybqaadanayay si uu tuhunka iskaga fogeeyo.

Waxaa xusid mudan, inuu Bokoof jabiyay, maadama uu galay dembiyo 78 dembi oo dil ah, arrintaas oo ka dhigan inuu jabiyay recordka dilka dadka loo geysto gudaha Ruushka.

Recordka waxey horey u haystay Andaree Tashiikaateeloo oo la dilay sanadkii 1994 ayaa lagu eedeeyay inuu dilay 53 kuray iyo ilmo yar xilligii sowfiyatka, halka sanadkii 2007 dilaa kale lagu magacaabo Aliksandar Betishooshkiin, lagu xukumay xabsi daa’im kadib markii lagu soo eedeeyay inuu dilay 48 qof oo magaalda Mosko daganaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close