WararkaWaxbarashada

Meghan Siday Ku Heli Kartaa Jinsiyadda Ingiriiska?

Meghan Markle waxey guursatay Amiir Harry May-dii aan soo dhaafnay, waxeyan sidaa ku noqotay xubin ka tirsan qoyska reer boqor ee caanka ka ah ee dalka Ingiriiska maamula, laakiin dad badan ayaa is-weydiinaya: Sideen Meghan ku noqon kartaa muwaadinad Ingiriis ah, maadama ay asal ahaan Mareykanka ka soo jeeddo.

Laga soo bilaabo markii arooska boqortooyada uu dhacay ee Mey 2018, Meghen waxey heshshay raaneys cusub waxaa loo yaqaannaa Duchess of Sussex, sidaas oo ay tahay nafteeda kuma tilmaami karto iney tahay muwaadinad Ingiriis ah.

Qasriga boqortooyada ee Kensington Palace, ayaa sheegay in Duchess loola dhaqmi doono sida qof kasta oo kale loola dhaqmo marka uu doonayo inuu helo jinsiyadda Ingiriiska.

Sakarteerka gaarka ah ee Amiir Harry, Jiisoon Kanawuf ayaa caddeeyay in Meghen ay u baahan tahay iney buuxiso shuruudaha dadka soo codsanaya jinsiyadda UK ay raacaan.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: (Waxaa suurtagal ah inaan idiin sheego in Meghen ay dooneyso iney noqoto muwaadinad Ingiriis ah, waxaan raacaynaa nidaamka ay suuraggal tahay iney sannooyin qaadato.)

Qaanuunka Ingiriiska jinsiyad laguma helo qofka marka uu guursado muwaadin dalka u dhashay, markaa waxaa lagama maarmaan ah iney raacdo tallaabooyin gaar ah, waxaana hadda ay dalkaa ku joogtaa jooginaan aan waqtiyaysneyn oo muddo 12 bilood oo kasta la cusbooneysiinayo.

Tallaabooyin badan ayay raaceysaa Meghen marka ay codsaneyso jinsiyadda Ingiriiska waxaa ka mid ah:

-Iney 18 jir tahay ama ay ka weyn tahay.

-Iney xaas leedahay oo uu qabo qof jinsiyadda Ingiriiska haysta.

-In dalka Ingiriiska ay ku nooshahay muddo aan ka yareyn 3 sano xilliga ay jinsiyadda codsaneyso.

-Waa iney luqadda Ingiriiska taqaanno.

-Iney leedahay sumcad iyo akhlaaq wanaagsan.

-Iney ka gudubto imtixaanka ku noolaashiyaha dalka Ingiriiska, markaa waxaa suuraggal ah iney codsigeeda gudbiso oo ay bixiso lacag gaareyso 1,632 dolar ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close