WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa ee Maanta Oo Kale December 13, Dunida Ka Dhacay

Maanta oo tirada taariikhda ku asteysantahay 13 bisha December waa maalinta 347-aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadkaan 2018 naga xiga 18 maalmood oo qura.

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacay maanta oo kale waxaa kamid ah:

Maanta Oo Kale 13 December 1643 Waxaa Magaalada Hampshire ee dalka England ka bilowday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi oo la magac baxay dagaalkii Alton.

Maanta Oo Kale 13 December 1937 Waxaa bilowday dagaalkii Nanking ee u dhaxeeyay Japan iyo Shiinaha, waxa uuuna ka dhacay Magaalada Nanjing ee dalka Shiinaha . Waxaana ciidamada Japan ay geysteen kufsi, waxa ay sidoo kale gowraceen Boqolaal kun oo shacab.

Maanta Oo Kale 13 December 1943 Ciidamada Jarmalka ayaa Magaalada Kalavryta ee dalka Gariiga ka geystay Xasuuq aad u daran, iyagoo laayay rag aad u fara badan, gubayna qeybo badan oo Magaalada ah.

Maanta Oo Kale 13 December 1949 Baarlamaanka Israel ayaa u codeeyay in Magaalada Jerusalam ama Qudus ay noqoto caasimadda dalkaasi.

Maanta Oo Kale 13 December 1959  wadaad Diimeedka Makarios-3 ayaa noqday madaxweynihii uhu horeeyay ee Qubrus.

Maanta Oo Kale 13 December 1974  Maalta ayaa noqotay Jamhuuriyad ka tirsan wadamada la isku oran jiray Common Wealth oo hoos tagayay boqortooyadii Ingiriiiska.

Maanta Oo Kale 13 December 1988 Hogaamiyihii Ururka dib u xoreynta Falastiin Palestinian Liberation Organization ( PLO) ayaa khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Maanta Oo Kale 13 December 2001 Weerar lagu soo qaaday dhismaha baarlamaanka India ee loo yaqaan Sansad HYPERLINK “https://en.wikipedia.org/wiki/Sansad_Bhavan”  HYPERLINK “https://en.wikipedia.org/wiki/Sansad_Bhavan”Bhavan, ayaa waxaa ku dhintay 12 qof oo ay ku jireen raggii weerarka soo qaaday.

Maanta Oo Kale 13 December 2002 Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya 1da May 2004 wadamada Qubrus, Czech Republic , Estonia, Hungary, Latvia, Lithunia, Malta, Poland, Slovakia, iyo Slovenia ay ka mid noqon doonan Midowga Yurub.

Maanta Oo Kale 13 December 2003 Madaxweynihiii Hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen ayey ciidmada Mareykanka kasoo qabteen meel u dhow magaaladii uu kasoo jeeday ee Tikriit.

Maanta Oo Kale 13 December 2006 Heshiihkii qaramada midoobay ee xuquuqda dadka qaba baahiyaha Gaar ah ayaa la soo saaray.

Maanta Oo Kale 13 December 2007 Ururka Midowga Yurub ayaa saxiixay Heshiishkii Lisbon kaas oo daarnaa xoojinta labo heshiis oo hore oo ay galeen midowga Yurub oo ay ku jireen dastuurka Midowga iyo waliba adkeynta xiriirka iyo wada shaqeynta wadamada ku bahoobay.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close