WararkaWaxbarashada

Maxaan U Aragnaa Sawirka Madaxweyne Trump Marka Aan Google-ha Ka Raadineyno Erayga Doqon

Xubin ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yiraahdo Ms. Lofgren, ayaa su’aal weydiisay maamulaha fulinta shirkadda Google, sababta uu u soo baxo sawirka Madaxweyne Trump marka la qoro erayga “Doqon” oo luqadda Ingiriiska ah.

Xubintan ayaa su’aasha ay maamulaha weydiisayay ay u dhacaysay sidan: “Hadadan aan joogno marka aan baareyno erayga Doqon dhanka sawirrada waxaa soo muuqaneysa sawirka Trump, hadda ayaan eegay.”

Sundar Pichai, maamulaha fulinta shirkadda Google ayaa ku jawaabay: “Natiijooyinka aad helayso waxey ku xiran yihiin balaayiin eray oo lagu kala xushay 200 oo tilmaamood oo ay ka mid tahay; sida qofka uu xiriir ula leeyahay eryga iyo caanimadiisa.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Ma jiro nin shaashadda gadaashiisa fadhiya oo soo bandhigaya waxa uu rabo shaashadda dadka google isticmaalaya.”

Sundar Pichai, su’aashan waxa uu ka jeediyay xilli uu hor tagay guddiga garsoorka ee congress-ka oo looga yeeray Talaadaadii, iyadoo wax laga weydiinayay in shirkaddu ay ka eexato xisbiga muxaafidka Conservative Part ee dalka Mareykanka ka dhisan.

Sundar Pichai, waxa uu dhashay July 1972 magaalada Chennai ee caasimaadda gobolka Tamil Nadu ee koonfurta India. Aabihii waxa uu ahaa Engineer koronto, qoyskoodu waxey ahaayeen kuwo faqri ah, gaari iyo telefishin midna gurigooda ma oollin. Sundar yaraantiisii waxa uu ka mid ahaa dadka waxbarashada ku sarreeya, waxa uu fursad u helay in uu ku biiro mac’hadka India ee teknoolojiyada, waxaanuu ka qalin-jabiyay 1993, kadib markii uu mac’hadka ka baxay waxa uu minxo waxbarasho ka helay jaamacadda Stanford.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close