WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa ee Dunida Ka Dhacay Maanta Oo Kale “15 December”

Maanta oo taariikhda ku asteesantahay 15-ka December waa maalinta 349aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadka 2018 inaga xiga 16 maalmood oo qura.

Maanta oo kale 15 December 1906 Waxaa Magaalada London daaha laga qaaday oo la furay Wadada dhulka hoostiisa ee Piccadilly and Brompton Railway

Maanta oo kale 15 December 1914 Ciidamada Serbia ayaa dib u qabsaday Magaalada Belgrade ee caasimada dalkaasi, waxeyna kala wareegeen ciidamdii Austria iyo Hungary oo xiligaasi gacanta ku haayay magaaladaasi.

Maanta oo kale 15 December 1917 Heshiis lagu joojinayo dagaalki u dhaxeeyay Ruushka iyo xoogaagii la isku oran jiray awoodaha dhexe oo ay kamid ahaayeen Austria, Hungary, Germany, Bulgaria iyo dowladii cusmaaniniiynta ayey wada saxiixdeen labada dhinac.

Maanta oo kale 15 December 1960  Boqorkii Nepal ee Mahendra ayaa laalay dastuurkii dalkaasi, wuxuuna kala diray baarlamaankii iyo xukumaaddii islamarkaanka wuxuu soo rogay nidaam xukun kaligiis talis ah oo isaga uu maamulayo.

Maanta oo kale 15 December 1960 Nin lagu magacaabo Richard Pavlick oo ka shaqeyn jiray Xafiiska boostada ee Boston ayaa loo xiray inuu qorsheynayay dilka madaxweynihi Mareykanka xiligaasi la doortay ee John F. Kennedy

Maanta oo kale 15 December 1978  Madaxweynihii Mareykanka ee Jimmy Carter ayaa ku dhawaaqay in mareykanka inuu aqoonsan doonaa Jamhuuriyadda Shacbweynaha Shiinaha uuna xiriirka u jari doono Taiwan

Maanta oo kale 15 December 1997 Diyaarad laga leeyahay Tajikistan ayaa ku burburtay Meel saxaro ah oo u dhow Magaalada Shajrah ee wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana halkaasi ku naf waayay 85 ruux.

Maanta oo kale 15 December 2000  Xaruntii Saddexaad ee ugu weyneyd Keydka Nukliyeerka ee Chernobyl Nuclear Power Station oo ku yaalay dalka Ukraine ayaa irdahaha la isagu dhuftay oo la xiray.

Maanta oo kale 15 December 2013  Waxaa qarxay dagaalkii sokeeye ee wadanka koonfurta suudaan oo u dhaxeeyay dowlada iyo mucaaradka dalkaasi

Maanta oo kale 15 December 2017  Dhulgariir Xooggan oo cabirkiisu yahay 6.5 ayaa ku dhuftay Magaalada Tasikmalaya ee dalka Indonesia, waxaa ku dhintay 4 qof, halka 36 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ka barakay magaaldaasi 200 oo qoys.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close