WararkaWaxbarashada

Erayga”Musiibo” oo Noqoday Cinwaanka Sanadka ee Dalka Japan!

 

Guddi gaar ah oo loo saaray ayaa waxey doorteen erayga sanadka ee Japan, kaas oo sanadka astaan looga dhigayo.

Guddigu markii la soo gaarsiiyay farriimo farabadan waxey doorashadoodu ku dhacday erayga “Musiibo” si ay astaan ugu noqoto sanadka 2018.

Eraygan ayaa la doortay kadib markii dalka Japan sanadkii 2018 uu la kulmay daadad ku soo rogmaday goobo badan iyo dhulgariir xooggan oo ku dhuftay jasiiradda Hokkaido.

Wadaadka maamula macbadka Kiyomizu-dera ee caanka ah, ayaa waxa uu gacantiisa ku soo qoray erayga musiibo  oo lagu muujiyay luqadda Hieroglyphics, warqad dhirirkeedu yahay 1.5 mitir, ballaceeduna gaarayo 1.3 mitir, isagoo isticmaalay baal xajmigiisu yahay 4.5 Inch oo laga sameeyay dib faras . iyadoo khadka si gaar ah looga keenay gobolka Nara ee dalka Japan.

Waxaa xusud mudan, in dalka Japan sanad walba loo magac bixiyo dhammaadkiisa eray lagu xasuusan karo oo sanadada kale uu kaga duwan yahay, waxaa loo saaraa guddi farriimo ay dadku u diraan, si sanadkaa loogu magac bixiyo.

Erayga “Waqooyi”, ayaa ku guuleystay naaneysa sanadkii hore, waana dhibaatadii ka taagnaaneyd gacanka Kuuriya, ku darso sawaariiqdii ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close