arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aragtida Cilmiga: 4 Calaamadood ee Lagu Garto Qofka Uu Jacayl Ku Dhaco

In jacayl uu qof ku dhaco waxey ka mid ah arrimaha ugu quruxda badan nolosha ee qofka ka dhiga inuu samadaa maro dareenkiisa, website-ka “Health” ayaa caddeeyay in qof kasta oo jacayl uu ku dhaco uu isbedel ku dhacayo hormoonka Oxytocin ee loo yaqanno hormoonka jacaylka, arrintaas oo soo ifbixineysa calaamado ay dadka ku hareeraysan ka fahmayaan inuu caashaq ku dhacay.

1- Garaaca wadanaha

Inta aanuu la kulmin qofkii uu jeclaa wadnihiisa si xoog ah ayuu u garaacayaa, arrintani ma aha welwel oo kaliya ee waa dhiirrigelin ku imaaneysa hormoonnada Adrenaline iyo Norepinephrine, Dr.l Kirk, waxa uu leeyahay arrintaasi waxaa keenaya xiisaha, doonista iyo baraarugga oo ku sii jeeda kulanka qofka la jecelyahay.

2- Iftiinka indhaha

Indhaha dadka uu jacaylku hayo waxaad ku arkaysaa iftiin goonni ah iyo dhalaal, sida ay u badan tahay arrintaa waxa keenaya waa la kulanka farxadda qofka uu jecel yahay, cilmigu waxa uu leeyahay waxaa jira dhiirrigelin ay helayaan dareemayaasha qofka caashaqu hayo, arrintaas oo dhankeeda keenaysa iney indhuhu ifaan oo ay birqaan.

3- Oomateedka oo qofka ka xirma

Marka aad la kulmayso qofka aad jeceshahay waxaa iska caadi ah in oomateedku kaa xirmo oo aadan wax cuni karin, jirku waxa uu soo saaraa hormoonka Cortisol marka aad jacaylkaaga la kulmeyso, kaas oo xaaladda ku adkaynaya xididada dhiigga, waxaad dareemaysaa inaadan wax raashin ah niyad u hayn, arrintaani waxaa tusaale ah inta badan arooska iyo aroosadda cuntadu kama dagto habeenka arooskooda.

4- Awood layaab badan oo uu la soo baxo

Waxaan marar badan maqalnaa in hooyooyinku marka ay arkaan arrimo dhibaato ku ah ubadkooda ay waxwalba u sameyn karaan sidii ay ubadkooda u difaaci lahaayeen, iyagoo la soo baxa awood cajiib ah oo aad u layaab badan, sidaas oo kale ayay yihiin dadka caashaqu ku dhaco, hormoonka Oxytocin waxa uu qofka ka dhigaa mid adkaysi badan oo dhibaatooyin badan xamilikara isla markaana geesi ah, sidaa darteed; waxaad arkaysaa in qofka uu caashaqu hayo uu sameyn karo waxyaabo badan oo dadka kale ay ka caajisaan.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close