WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Maanta Oo Kale “16 December” Dunida Ka Dhacay

 

Maanta oo tirada Taariikhda ku asteysantahay 16 December  Waa maalinta 350-aad ee Sanadka, waxaana dhamaadka sanadka inaga xiga 15 maalmood oo qura.

Maanta Oo Kale 16 December 1883 Ciidamadii France ayaa qabsaday magaalada Sơn Tây ee dalka Vietnam.

Maanta Oo Kale 16 December 1880 Waxaa qarxay dagaalkii Transvaal oo u dhaxeeyay Ciidamadii Britain iyo dadka cadaanka ah ee South Afrika, kuwaas oo daga magaalada Eastern Cape

Maanta Oo Kale 16 December 1903 Hotelka Weyn ee Taj Mahal Palace & Tower ee ku yaala magaalada Bombay ee dalka India ayaa la daah furay.

Maanta Oo Kale 16 December 1920 Dhul gariir Xoogan oo loogu magac daray dhulgariirka Haiyuan  ayaa ku dhuftay gobolka Gansu ee dalka Chile waxaana ku dhintay ku dhawaad 200,000 oo qof.

Maanta Oo Kale 16 December 1920 Madaxweynihii dalka Poland ee Gabriel Narutowicz ayaa lagu dhex dilay madxafka weyn ee Zachęta Gallery ee ku yaal magaalada Warsaw ee caasimadda dalkaasi.

Maanta Oo Kale 16 December 1941 Ciidamadii Japan ayaa qabsaday Magaalo xeebeedka Miri  oo ku taal gobolka Sarawak ee dalka Malaysia intii uu socday dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Maanta Oo Kale 16 December 1946 Wadanka Thailand ayaa ku biiray qaramada Midoobay.

Maanta Oo Kale 16 December 1950 Madaxweynihi Mareykanka Harry S. Truman ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah kadib markii ciidamdii Shiinaha ay soo galeen dagaalkii u dhaxeeyay labada Kuuriya  si ay gacan u siiyaan ciidamadii Waqooyiga Kooriya.

Maanta Oo Kale 16 December 1958  Ciyaaryahankii reer France una ciyaari jiray kooxda Real Madrid ee Raymond Kopa ayaa ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or.

Maanta Oo Kale 16 December 1962 Wadanka Nepal ayaa sameystay dastuur uu dalkaasi yeesho, waxeyna noqdeen boqortooyo leh dastuur dalka lagu xukumo.

Maanta Oo Kale 16 December 1964  Mareykanka ayaa badweynta Pacific-ga ku sameysay tijaabada hubka Nuclear-ka

Maanta Oo Kale 16 December 1971  UK ayaa u aqoonsatay dalka Baxreyn waddan  madax bannaan.

Maanta Oo Kale 16 December 1972 Dastuurka dalka Bangladesh ayaa dhaqan galay.

Maanta Oo Kale 16 December 1979 Libya ayaa ku biirtay wadamada ku bahoobay ururka OPEC.

Maanta Oo Kale 16 December 1987 Roh Tae Woo ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya.

Maanta Oo Kale 16 December 1991 Kazakhstan ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxday Midowga Soviet, waxeyna noqotay dowlad madax bannaan.

Maanta oo kale 2001 Dalka Cuba ayaa waxaa soo gaaray markabkii ugu horeeyay muddo 40 sano ah ee ka yimaada dhanka dalka Mareykanka , kaas oo siday shixnad ganacsi oo u badneyd cunto.

Maanta Oo Kale 16 December 2014 Weerar ay kooxda Taliban  Ku qaaday Iskuul ay dowladda Pakistan leedahay oo ku yaal magaalada Peshawar ee dalkaasi ayaa waxaa ku dhinay 145 ruux oo Caruur u badnaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close