arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mobile-ka Smartphones-ka oo Noqday Dilaaga Caruurta!… Sanadkan Waxaa Ku Maqan 4 Qof Oo Uu Nafta Dhaafiyay

Inta badan iskama aanuu dhigi jirin mobilekiisa Smartsphone-ka ah ee cusub, Maxamed Ciidii Azhar Zahraan, waxa uu gacantiisa ku soo iibsaday mobile uu naftiisa ku waayay.

Wargeyska la yiraahdo Forbes ayaa faafiyay warbixin uu kaga hadlay dhimashada wiilkan yar ee reer Maleysia ee 16 jirka ah, waxa uu aad ugu dadaali jirin mobile-kiisa inuu haysto xilli kasta, isla markaana sameecadda ayuu ku dhageysan jiray mobileka.

Booliska Malaysia ayaa helay meydka wiilkan yar ee Azhar Zahraani iyadoo dhiig uu ka qulqulayo dhagihiisa, iyadoo ay u muuqatay iney koronto xooggan ay ku dhagtay, xilli uu dhageysanayay sameecadda mobile-kiisa.

Booliska ayaa sheegay in hooyada wiilkan yar dhashay oo daggan magaalda Rimbo ee dalka Maleysia ay lama filaan ku noqotay iney aragto wiilkeeda yar oo dhulka jiifa oo aan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn, jirkiisuna uu sidii barafkii oo kale u qabow yahay, dhiigna uu ka qulqulayo labadiisa dhagood, halka baaritaannadii caafimaad ee lagu sameeyay ay tilmaameen in wax dhibaato ah aaney uga imaan dhanka dibadda, dhaawacuna uu kaga yaallo gudaha dhagtiisa bidix.

Joornaalka Mareykanka ah ayaa sheegay in wiilkan yar ee Maxamed uu ahaa qofkii 4aad ugu yaraan ee sanadkan gudihiisa u dhinta korontada mobile smartsphone ah ee ay isticmaalaan.

Booliska Malaysia ma aaney sheegin nooca mobile-ka smartska ah iyo sameecadaha dhagaha ee uu isticmaalayay wiilakan yar ee ardayga ah.

Laakiin Joornaalku waxa uu uga digay dadka smartsphone-ka adeegsada sameecadaha madaxa iyo jarjarka aaney mobilkooda is lahayn, arrintaas oo ah khatar dhab ah oo dadka isticmaalaa ay waajahayaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close