WararkaWaxbarashada

Wadne Bani’aadam oo Diyaarad Dusheed Lagu Illoobay!

Diyaarad Mareykan ah oo raacsan shirkadda “Southwest” ee dalka Mareykanka, ayaa ku khasbanaatay iney dib ugu laabato airport-kii ay ka soo kacday kadib markii wadne aadane ah laga helay dusheeda.

Jariidada Independent ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in diyaaradda ay kasoo duushay magaalada Seattle una socotay  Dallas ee dalka Mareykanka iyadoo danta loo qabay ay ahayd mid degdeg ah.

In diyaaradda dusheeda lagu arko wadne aadane ayaa welwel badan ku abuuray 140 qof oo rakaab ah oo diyaaradda dul saarnaa, diyaaraddu waxey dib u soo laabatay kadib markii ay saacad iyo bar hawada ku jirtay.

Shirkadda Duulimaadka ayaa sheegtay in wadnaha aadanaha uu la socday alaab saarneyd diyaaradda dusheeda isla markaana lagu illoobay diyaaradda, iyadoo ay ahayd in lagu dejiyo magaalada Seattle.

Mas’uul ka tirsan shirkadda duulumaadka ee South West, ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay in halbowlayaasha wadnaha la doonayay in loo isticmaalo qalliin wedne oo si degdeg ah loogu baahday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close