arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Boqoradda Quruxda Faransiiska oo Yaraanteedii Lagu Caayi Jiray Foolxumo!

Dadka ugu rajada wanaagsan xitaa kuma aaney fakareyn in gabadhani lagu naaneysi jiray bahalka yaraanteedkii ay ku guuleysan doonto boqoradda quruxda Faransiiska ee sanadkii 2019.

Websiteka BFM TV ayaa sheegay in Vaimalama Chaves loo caleemo saaray habeenimadii Sabtidii boqoradda Quruxda ee Faransiiska 2019, kadib markii ay gashay tartan adag oo dumar badan oo aad u quruxoon ay ka qeybgaleen.

Chaves,  ayaa ku guuleystay abaalmarinta 89aad ee tartanka, kadib markii ay isku raaceen guddiga dumarka ahaa ee qiimaynayay tartanka oo lagu daray codeyntii ay dadweynuhu ka qeybqaateen, taajka waxaa madaxa u suray,  Maëva Couckeoo sanadkii hore ku guuleysatay boqoradda Quruxda Faransiiska.

BFM TV, ayaa kashifay in gabadhan Tashaafiis oo da’deedu ay tahay 24 jir ay soo martay caruurnimo aad u adag, dadka oo dhan waxey ku caayi jireen foolxumo iyo iney tahay jeer, miisaankeeda oo cuslaa darteed, waxaana la tilmaamay iney 80 kg ahayd xilligeedii 18 jir, laakiin markii dambe aad ayay iskugu dadaashay muddo kooban waxey ku dhintay miisaankeeda 20-KG xilli aad u kooban.

Gabadhaan ayaa darajada masters degree ka qaadatay  Marketing management, Xilligii yaraanteedii waxaa lagu naaneysi jiray magacyo aad u xun, sida; Foolxun, jeer.. laakiin nolosha, inta badan waxaa jira qof guuleysta ama khasaara.. caydaas oo dhan waxey ku guuleystay iney u bedesho tamar tagan oo si wanaagsan ay uga faa’iidaysatay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close