WararkaWaxbarashada

Xaaskiisa Ayuu Argagixisanimo Ku Eedeeyay Si uu Iskaga Riixo Culayskeeda Dhaqaale

Milkiile maqaaxi ku taalla gobolka Maryand ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu qirtay inuu lacag ku bixiyay si uu xaaskiisa dusha uga saaro dembi argagixisonimo iyo gubitaanka maqaaxidiisa oo uu dab qabadsiiyay.

Jariidada The Capital ayaa waxey sheegtay in milkiilaha maqaaxidan oo la yiraahdo Khaliil Axmed oo (51 jir ah) uu qirtay in xaaskiisa ay dhawaan kala tageen ay nafta u keentay, iyadoo ku soo oogtay dacwado farabadan oo ay kaga furto saddex dhinac gudaha magaalada Baltimore, kuwaas oo laga rabo inuu bixiyo lacago aad u farabadan.

Sida decumentiga maxkamadda lagu sheegay Axmed waxa uu waajahayaa mushkilado maaliyadeed, markaa waxa uu ku fakaray inuu xaaskiisa luqunta u geliyo dembi argagixiso, isagoo markaa lacag ku bixiyay suun qaraxaya, hub, dhalooyin alcohol ah iyo howlo kale oo argagixisanimo iney wadday muujinaya.

Halka sidaas oo kale uu doonayay inuu helo lacago caymis ah oo maqaaxida ka gubatgay magdhow uu uga helo shirkadda caymiska ee ay ka diiwaangashaneyd.

Axmed waxaa la filayaa in lagu xukumo 5-sano oo xabsi ah, waxaa kale oo suurtagal ah in la tarxiilo marka uu xabsiga ka soo baxo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close