WararkaWaxbarashada

Maanta oo Kale “18 December” Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa ee Dunida Ka Dhacay

Maanta oo tirsiimada taariikhda ay ku aadantahay 18 December waa maalinta 352-aad ee sanadka , waxaana 13 maalmood oo qura noo jira dhamaadka sanadkaan 2018

Maanta Oo kale 18 December 1622 Ciidamadi Portugal ayaa ka guuleystay xoogaggii Boqortooyadii Kongo oo xiligaasi ka talineysay wadanka hadda loo yaqaan Angola.

Maanta Oo kale 18 December 1787 Gobolka New Jersey ayaa noqday state-kii 3aad ee ansixiya Dastuurka dalka Mareykanka

Maanta Oo kale 18 December 1833 Astaanta Qaranka boqortooyadii Ruushka ee “God  HYPERLINK “https://en.wikipedia.org/wiki/God_Save_the_Tsar!”Save HYPERLINK “https://en.wikipedia.org/wiki/God_Save_the_Tsar!” the Tsar!” ayaa markli ugu horeysay la qaaday.

Maanta Oo kale 18 December 1865 Sharci ogolaanaya in lo’da loo soo dhoofin karo Mareykanka ayaa congress-ka  loo soo gudbiyay

Maanta Oo kale 18 December 1878 Qoyska Al-Thani ayaa qabsaday Xukunka dalka Qatar.

Maanta Oo kale 18 December 1935 Edward Benes ayaa noqday Madaxweynihii wadamadi la isku dhihi jiray Czechoslovakia.

Maanta Oo kale 18 December 1945 Uruguay ayaa ku biirtay Qaramada Midoobay.

Maanta Oo kale 18 December 1948 Waxaa dalka Indonesia ka bilowday doorashadii 2aad ee xilka madaxweyne.

Maanta Oo kale 18 December 1958 Japan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Wadamada ku bahoobay Qaramada Midoobay.

Maanta Oo kale 18 December 1958  Wadanka Niger ayaa yeeshay Ismaamul gaar ah oo hoos taga gumeystihii dalkaasi ee Faransiiska.

Maanta Oo kale 18 December 1963 orodyahanka reer Australia ee Ron Clarke ayaa dhigay Iskoor caalami ah isagoo masaafo dhan 10,000 meter ku jaray kaliya 28 daqiiqo iyo 15 ilbiriqsi iyadoo rikoorkii xiligaasi yaalay uu ahaa 28 daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi

Maanta Oo kale 18 December 1980 wadanka Vietnam ayaa si toos ah u qaatay dastuurka dalkaasi.

Maanta Oo kale 18 December 1991 shirkada gawaarida ee General Motors ayaa ku dhawaaqday in ay irdhaha isagu dhufaneyso 21 warshad oo ay shirkadu laheyd.

Maanta Oo kale 18 December 2001  Halyeygii Liverpool iyo Xulka qaranka saddexda Libaax ayaa ku guuleystay xiddiga ugu fiican Qaaradda Yurub.

Maanta Oo kale 18 December 2006 daadad xooggan oo ku dhuftay Malaysia ayaa waxaa ku naf waayay ku dhawaad 118 ruux, waxaana ku barakacay 400,000 oo qof.

Maanta Oo kale 18 December 2006 wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa ka dhacay doorashooyinka ee kuraasta baarlamaanka dalkaasi.

Maanta Oo kale 18 December 2011  Ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ayaa ka ruqaansaday dalka Ciraaq.

Maanta Oo kale 18 December 2015 Kellingley (HYPERLINK “https://en.wikipedia.org/wiki/Kellingley_Colliery” Colliery) oo aheyd goob laga qodo dhuxusha oo ku taal dalweynaha Britain ayaa irdaha loo laabay oo la xiray.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close