arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal: Gabar Yar oo Dabaqa 5aad Kasoo Dhacday oo Ilbiriqsiyo Lagu Badbaadiyay

Labo nin ayaa waxaa u suurtagashay iney geeri ka badbaadiyaan, kadib markii ay ka soo dhacday dabaqa 5aad magaalada Makhachkala ee qalcadda caasimaadda jamhuuriyadda Dagestan ee gudaha Ruushka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SMASH Agency ee dalka Ruushka, labadan nin ee ilmaha yar badbaadiyay ayaa taksiile-yaal ahaa, muuqaalka ayaa waxaa laga arkayaa in Magameedoof uu sugayo xilliga ku habboon si uu ilmahan yar u badbaadiyo.

Badbaadinta ayaa keentay in uu gacanta ka dhaawacmo, waa markii uu gabadhaa yar ka badbaadinayay iney dhulka gaarto. dhanka gabadha yar waxaa dhawaac fudud ka soo gaaray dhanka lugta.

Markii muuqaalkani uu Baraha-bulshada ku faafay ayaa boolisku ay soo saareen ogeysiis ay ku baadi goobayaan darawalkii gabadhan yar badbaadiyay si loo abaalmariyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close