WararkaWaxbarashada

Erayga Ugu Raadinta Badnaa Sanadkan 2018

Shirkadda Merriam-Webster ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa Isniintii ku dhawaaqday eraygii loogu baaritaanka badnaa sanadka ee aadka loogu raadinta badnaa website-kooda inta lagu guda jiray sanadkii 2018.

Shirkddan ayaa shegtay bayaan ay soo saartay in erayga “Cadaaladda” uu ahaa erayga ugu raadinta badan ee sanadkan dhammaadka ah, isagoo guddoonsiiyay naaneysta erayga sanadka.

Shirkadda Merriam-Webster, waxa ay tilmaantay in erayga (Justice) ay raadintiisu ka badneyd sanadkii hore saami gaarsiisan 74%.

Shirkadani waxey ku fasirtay doorashadeeda, in fahamka cadaaladda uu ahaa halka asalka u ah doodo badan oo dhanka faquuqa ku saleysan, caadaladda bulshada iyo cadaaladda dhaqaalaha lagaga warramayay.

Shirkaddu bayaanka ay soo saartay waxey ku sheegtay: “Wararku sanadkan waxaa ku badnaa sheekooyinka kala qeybsanaanta dhanka xukuumadaha ah, halka xilliyada qaar wasaaradda caadaaladdu ay si sahlan u matalayso magaca cadaaladda.”

Dhanka kale, erayada loogu raadinta badnaa sanadkan 2018, waxaa ka mid ah erayada  (pansexual), (lodestar), (epiphany), (laurel).

Goobjoog Edu

Related Articles

Close