WararkaWaxbarashada

Maanta Oo Kale “19 December” Dhacdooyinkii Adduunka

 

Maanta oo Taariikhda ku beegantahay 19 December waa maalinta 353aad ee sanadka, waana maalinta 354aad ee Sanadka , waxaana dhamaadka sanadka naga xiga 12 maalmood oo qura..

Maanta oo kale 19 December 1907 239 Ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhex dhacay god laga qodo dhuxusha oo ku yaal gobolka Pennsylvania ee dlaka dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 19 December 1932 warbaahinta BBC-da qeybteeda la hadasha dunida ee BBC World Service ayaa hawada soo gashay..

Maanta oo kale 19 December 1941 hogaamiyhii mayalka adkaa ee Adolf Hitler ayaa isku magacaabay taliyaha ugu sareeya ee ciidamada Jarmalka.

Maanta oo kale 19 December 1967 Ra’iisul wasaarihii dalka Australia Harold Holt ayaa lagu tiriyay inuu dhintay kadib markii in muddo ah la la’aa.

Maanta oo kale 19 December 1978 dowladda France ayaa sameeysay tijaabada hubka sida ba’an wax u gumaada ee Nukliyeerka.

Maanta oo kale 19 December 1980 Dowladda Iran ayaa ka dalbatay Mareykanka lacag dhan 24 Bilyan oo doolar si ay ugu sii deyso 52 ruux oo u dhalatay dalkaasi Mareykanka.

Maanta oo kale 19 December 1983 koobki kubada cagta Adduunka ee FIFA World Cup oo waagii hore la oran jiray Jules Rimet Trophy ayaa laga xaday xarunta Xiriika kubadda cagta ee ku taal Magaalada Rio de Janeiro  ee caasimadda dalka Brazil.

Maanta oo kale 19 December 1984 UK iyo Shiinaha ayaa wada saxiixday heshiis dalka Shiinaha loogu wareejinayo gacan ku heynta Hong Kong wixii ka dambeeya Sanadda 1997.

Maanta oo kale 19 December 1986 wadamada soo saara Saliidda ee ku bahoobay uruka OPEC ayaa ku heshiiyay in la dhimo wax soo saarka shidaalka  xaddi dhan 7% 6-da Bilood ee ugu horeysa sanadka 1987, isla-markaana kor loo qaado Qiimaha shidaalka.

Maanta oo kale 19 December 1998 Aqalka hoose ee baarlamaanka Mareykanka ama Congress-ka ayaa soo gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweynihii xiligaasi ee Bill Clinton, wuxuuna noqday madaxweynihii labaad ee dalkaasi oo ay baarlamaanka dacwad ka gudbiyaan.

Maanta oo kale 19 December 2000 Halyeygii hore ee Real Madrid  iyo xulka qaranka Portugal ee Luís Figo ayaa hantay Jaa’izada Ballon d’Or isagoo kaga guuleystay xidigaha Zinedine Zidane iyo Andriy Shevchenko.

Maanta oo kale 19 December 2012 Haweeneyda lagu magacaabo Park Geun-hye ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya, Waxeyna noqotay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota dalkaasi.

Maanta oo kale 19 December 2013 hey’adda cirbixiyeenada Yurub ayaa hawada u diray dayax gacmeedka Gaia, kaas oo safar qaadanaya ilaa 2022 ku tagay Hawada sare.

Maanta oo kale 19 December 2016 Safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga ee Andrei Karlov ayaa la toogtay isagoo isagoo khudbad ka jeedinaya bandhig ka dhacaya Matxaf ku yaal Ankara.

Maanta oo kale 19 December 2017 Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhameysay wajiga koowaad ee qiimeynta ciidanka, taas oo lagu ogaanayay tirada ciidanka, cududda, hogaanka, saanadda iyo tabarada.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close