WararkaWaxbarashada

Sababta Ay Dumarku Uga Cimridheer Yihiin Ragga.. Cilmi-baaris Cusub

Sida ku cad tirakoobyada Qaramada Midoobay dhexdhexaadka cimriga aadanaha xilligan aan joogno waa 71 sano, dhammaan dowaladaha kala duwan ee adduunka ee ay ka qeyb yihiin, dowladaha faqiirka ah iyo kuwa taajiriinta ah labadaba, halka celceliska cimriga dumarka adduunka uu yahay 73-sano, iyagoo ragga halkaa lagaga sarreeyo,maadama celceliska da’da ragga uu yahay 68-sano.

Hadaba, in dumarku ay ka cimirdheer yihiin ragga dhowr arrimood ayay xiriir la leedahay, sida; in raggu si ka badan dumarka ay u banbaxaan khatar geerida si ka badan dumarka, waxey ku badan yihiin Alcoholka, waxey galeen dagaallada oo dadka ugu badan ay ragga yihiin.

Halka khubarada sayniska ee jaamacadda California ay tilmaamayaan in kala duwanaashiyaha dhanka cimiriga ee ragga iyo dumarka uu salka ku hayo arrimo la xiriira hiddesiyadaasha genetics-ka.

Sida ay khubaradani sheegayaan, arrimo khuseeya genes-ka ayaa xadeeyay gaabka weyn ee u dhaxeeya labada jinsi iyo heerka cimrigooda, waa sida uu faafiyay website-ka Wiley Isniintii.

Inta badan shaqooyinka jirka iyo maskaxda waxey xiriir la leeyihiin kala duwanaashiyo dhanka gene-ka ah ee labadan jinsi, arrintaas oo kaalin muhiim ah ka ciyaaraysa cimirdherarka, raggu waxey leeyihiin gene loo yaqaanno Chromosome Y, halka dumarkuna ay leeyihiin Chromosome X.

Chromosome-ka dumarka waxa uu la gaar yahay waa labo laab XX, waana arrinta  keenaysa dhanka cimiriga labada jinsi ee ragga iyo dumarka.

Khubaradan ayaa waxaa u suurtaggashay iney abuuraan Chromosome XY, iyagoo gene-ka labka ku laray kan dhadigga.

Khubaradan ayaa waxey si gaar ah ula socdeen xaaladda tiro jiir ah oo tijaabo lagu sameynayay oo Chromosome-kooda la isku laray oo XY uu iskugu jiro, waxaa la arkay in jiirka genes-kaa cusub leh cimirigiisu uu kordhay.

Si kastaba, Natiijadii daraasada ee khubarada u soo baxday waxey noqotay in hidaha sidaha iyo genes-ka ay xiriir weyn la leeyihiin xadeyna celceliska cimirga labada jinsi ee ragga iyo dumarka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close