arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xaflad Meher oo Loo Dhigay Labo Caruur ah oo Dood Xooggan Ka Dhalisay Baraha-bulshada

Xaflad meher oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Gobolka Kafr El Sheikh ee waqooyiga dalka Masar, muuqaalka xafladdan ayaa muran ballaaran ka dhaliyay baraha-bulshada, gobolkan ayaa dhowr bilood ka hor waxaa ka dhacay guur ay ku aqal galeen labo caruur ah oo 10-jirro ah.

Hadaba, muuqaalkan baraha-bulshada ku faafay ayaa warbaahinta Masar ay isku dayeen iney dhabnimadiisa xaqiijiyaan, wiilka hooyadii oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in canugeeda (Faaris) uu 15-jir yahay, isla markaana uu dhigto galaaska sagaalaad ee dugsiga dhexe, halka gabadha oo la yiraahdo (Nadaa al-Dusuuqi) ay galaaska Todobaad tahay, labada qoysna ay isku waafaqeeyn, waana sida caadada u ah degaankeeda.

Waxey hooyadaaasi hadalkeeda sii raacisyay, muuqaalkani waa xaqiiqo, waa caado aan leenahay, waxaan dooneynaa inaan canugeenna ku faraxno.

Hooyadan oo khadka taleefoonka kula hadashay barnaamijka habeennimo ee (dmc TV), ayaa waxey tilmaantay in wiilkeeda aan la oran karin guurka wuu ka yar yahay, halka ay qoyskeedu meher u bixiyeen 32-kun oo poind.

Arooskan ayaa caro ballaaran ka dhaliyay dhanka baraha-bulshada, guurkan ayaa dhacay maalmo un kadib markii ay soo baxday warbixin rasmi ah oo ay soo saartay xarunta dhexe ee tirakoobka dalka Masar, warbixintan ayaa lagu sheegay in tirada caruurta ee 18 jirka ka yar gudaha Masar ay gaarayaa 39-milayn oo canug, waxaa xaaslayaal ah 117-kun halka tiro badan oo garoob ahna ay jiraan.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close