WararkaWaxbarashada

5-tan Weedhood Haddii Aad Ka Maqasho Lamaanahaaga Nolosha Ogow Inuu Mid Kale Arkooday

Duamar badan waxay ku wareeraan xiriiro badan oo ay sameeyaan, waxey is weydiiyaan qof aan hadda la joogaa ma yahay kii ugu habboonaaba mise maaha, waana su’aasha uu ka jawaabay website-ka Relationship Rules, oo soo bandhigay tijaabooyin badan oo ay dumarku farabadan soo maray oo uu soo uruuriyay, dumarkaasi waxey isku raaceen 5 weedhood oo qofka dumarka ah marka ay ka maqasho lamaanaheeda nolosha ay tilmaan cad u tahy in isla xilligaa ay tahay in xiriirka u jarto, maadama aan wanaag badan laga fileyn.

  1. Guurkeenan waa mid fashilmay

Haddii hadalkiisa aad ka dhadhan sato hal mar wax ka badan in guurka iyo qoyska in la yeglaalaa ay yihiin mashruuc fashil ah, xoriyadda labada dhinacna uu xakameeyo, arrintaasi waxey digniin u tahay inuu yahay qof aan mas’uul ahayn, xiriirkaasna aanuu dooneyn inuu miro dhal noqdo.

2- Sheekadiisa oo u badaneysa gabadhihii uu horey ula socday

Inta badan waxa uu soo hadal qaadayaa magacyada gabdhihii uu horey u yaqaannay, isbarbardhigna wuu idinku sameynayaa, arrintaasi xiriirkiinna ayay saameyn ku yeelaneysaa, waxaad dareemaysaa inuu qofkaasi qabo mushkilado nafsi ah oo ka soo gaaray tijaabooyinkiisii hore.

3- Si buul labiskaagu u foolxun yahay

Haddii lamaanahaaagu uu burburinayo markasta kalsoonida naftaada, isagoo si jeesjees leh uga hadlay muuqaalkaaga, waxaad ogaataa inaanuu dooneyn inaad horey u socoto ama aad horumar gaarto, haddiise uu marwalba dhaliilo dookhaaga waxaad ogaataa in arrintaasi ay dhaawacayso kalsoonidaada mudada fog.

4- Gabadh waa iney gurigeeda joogto

Si gaar ah u fiiri ka sheekayntiisa mustaqbalka, haddii aad aragto inuu ra’yiga uu dumarka ka qabo ay tahay in shaqada guriga ay ku ekaadaan, arrintaasi waxey ka dhigan tahay inuu yahay shaqsi aan kugu garab siineyn inaad bulshadaada ka dhex muuqato, waxaad ogaataa inaad yool nololeed leedahay, ninkaas oo kale horey kuuma socod siinayo, gaar ahaan waa marka aad dooneyso inaad bulshada meel wanaagsan ka gaarto.

5- Waa in sidan si ka wanaagsan aad ii garab istgaagto

Inta badan dadaallada aad bixiso ma tixgeliyo, gaar ahaan xilliyada aad garab taagan tahay, arrintaasi waxey ka dhigan tahay inuu u arkin inaadan bixineyn dadaalkii lagaaga baahnaa, qiimaha dadaalkaaagana marwalba wuu yaraysanayaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close