WararkaWaxbarashada

Carqalad Ku Tilmid Fulinta Qalliinkii Ugu Horreeyay ee Madax Aadane Lagu Bedeli Lahaa.. Halkee Hagaldaacu Ka Yimid

Wiilka dhalinyarada ah ee reer Ruush  ee (33 jirka ah), ayaa dib uga laabtay fikraddii ugu kaga qeybgali lahaa qalliinkii ugu horreeyay ee aadane madax loogu loogu beero oo fulinta loo diyaar garoobayay, kadib markii uu guursaday haweenay aad u qurux badan oo waddankiisa u dhalay oo dhawaan ilmo canug yar u dhashay.

Sabiiridanoof ayaa waxa uu la dhibaatoonaya cudurka  Werdnig-Hoffman disease, oo ah cudur dhaxal ah oo naadir ah oo caruurta ku dhaca, waxa uu keenaa iney shaqada gabaan xubanaha lugaha iyo gacmaha qofka uu ku dhaco waxa daciifiyaa laabta, waxaanuu keena in qofka ay neeftu ku adkaato iska markaana uu si joogto ah u dhareero harkabkiisuna uu bato.

Cudurka caado ahaan dadka uu ku dhaco waxa uu u keenaa geeri muddo 2 illaa 4 bilood gudahood marka uu dhasho kadib, waxaana dhici karta in mararka qaar xilliga uu ilmaha yar dhasho aanuu isla markiiba ka soo muuqan, waxaa laga yaabaa in astaamihiisa lagu arko marka uu afar bilood jiro ama uu 4 sano yahay.

Sabiiridanoof horey waxa uu u go’aan saday in uu aqbalo in madaxiisa qalliin lagu sameeyo oo lagu tallaalo jirka qof kale oo dhintay oo mutadawac ah, qaliinkan ayaa sida qorsheysnaa waxaa fulinayay dhakhtarta reer taliyaani oo lagu naaneyso Dr. Frankenstein.

Dhakhtarkan ayaa hadda ku sugan dalka Shiinaha oo uu ka wado cilmi-baaris isla markaana uu ugu diyaar garoobayay inuu qalliinkan ku sameeyo.

Spiridonov, waxa uu nolol wanaagsan la qaadanayaa xaaskiisa Aanstaziya Banfaloofa oo shahaadada masters degree ka qaaday teknoloojiyada Chemistry-ga.

Jariidada The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay in Sabiiridanoof  uu shaki ka qabo guusha qalliinka madaxiisa lagu beerayo jirka qof kale oo mutadawac ah oo dhintay, kadib markii dhakhaatiir badan ay u sheegeen in guul laga gaaro qalliinkan ay tahay mid mustaxiil ah.

Qalliinkan waxaa sameyna lahaa dhankhtarka reer Taliyaani ee Dr Sergio Canavero ee Dr. Frankenstein  oo ah maamule hay’ad caafimaad oo ku takhasustay qalliinka heerka maskaxda.

Sida uu dhakhtar Sergio leeyahay guusha laga filayo qalliinka waxey gaareysaa illaa 90%, waxayna u baahan tahay ayuu illaa 80 dhakhtar qalliin iyo kharash dhan 10 milyan oo dollar ah.

Dr Sergio ayaa horey u sheegay bishii January ee lasoo dhaafay iney ku guuleysteen iney daayeen madaxii ay ku tallaalaan mid kale , halka jiirna ay sidaas oo kale qalliin ay ku sameeyeen lagu guuleystay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close