WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “20 December”

Maanta oo taariikhda ku asteysantahay 20 December waa maalinta 354aad ee sanadka, 11 maalin oo kaliya ayaa ka dhiman dhamaadka sanadkaan 2018.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1830 Dalweyanaha Britain, France, Germany Austria iyo Ruushka ayaa aqoonsaday dalka Belgium.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1917 Midwogii Soviet ayaa markii ugu horeysay sameystay ciidamo Boolis sirdoon ah Waxaana loogu magac daray Cheka.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1919 Xildhibaanada Aqalka hooseee dalka Mareykanka  ayaa Mamnuucay dadka soo galootiga ah,

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1922 Baarlamaanka Poland ayaa u doortay Stanislaw Wojcieckowski madaxweynaha dalkaasi.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1933 wadamda Polivia iyo Paraguay ayaa kala saxiixday heshiis xabad joojin ah.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1942 Ciidamda cirka Japan ayaa duqeeyay magaalada Kolkaata ee dalka Hindiya, Waxaana xiligaasi socday dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Maandta Oo Kale December 20, 1943-kii waxaa la aasaasay ciidanka Booliska Soomaaliya.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1955 Magaalda Cardiff ayaa loo aqoonsaday in ay noqoto caasimadda Wales.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1971 Ururka Caalamiga ah ee Gargaarka ee loo yaqaan Dhakaatiirta aan Xuduudda Laheyn (Doctors Without Borders) ayaa la aasaasay.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1971 madaxweynihii dalka Pakistan ee Yahya Khan ayaa is casilay.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1973 Ra’iisul wasaarihii dalka Spain Admiral Luis Carrero Blanco ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay Magaalada Madrid.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1974 Dowladda Itoobiya ayaa qaadatay nidaamka Shuuciga ah.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1983 Dalka El Salvador ayaa yeeshay dastuur lagu dhaqo dalkaasi.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1994 weeraryahankii Barcelona iyo xulka Hungary Hristo Stoichkov ayaa ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 1995 ciidmada Nato ayaa howlgal nabad ilaalin ah ka bilaabay wadanka Bosnia.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 2007 Boqorada UK ee Queen Elizabeth II ayaa noqotay boqoradii ugu da’da weyneyd ee ku fadhida kursiga boqortooyada UK, Waxeyna da’deeda dhaaftay Boqorad Queen Victoria oo dunida joogtay muddo dhan 81 Sano, 7 Bilood iyo  29 Maalmood.

Maanta Oo Kale 20 Decemeber 2007  Madasha wadashiga ayaa ka furmatay Magaalada Jabuuti eee caasimadda Jamhuriyadda Djibouti  waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Somalida geeska Africa, Qurba joog iyo masuuliyiin ka tirsan maamulada Somalida.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close