arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qaniinyo Mas oo Soo Afmeertay Bandhig Indha Sarcaad oo Ka Socday Gudaha Dalka Thailand

Kaamirooyinka ayaa soo qabtay ilbiriqsiga bandhig uu waday nin sixiroole ah dalka Thailand, xilli uu masraxa bandhigga saarnaa oo uu dad madadaalinayay, waxa dhacay ayay dadku argagax ka qaadeen kadib markii uu “Sixirku ku rogmaday sixiroolihii” oo maskii uu ku xariiftamayay uu qaniiny.

Maskan ayaa miciyihiisa suray gacanta sixiroole Yutabong Shaibody  oo 35-sano jir ah, suntu waxey jirka uga soo baxday ilbiriqsiyo gudahood, xilli uu soo bandhigayay xirfaddiisa sida uu u ciyaarsiin karo maskan kobraha ah, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda Isniintii.

Shayboodii waxaa loo qaaday isbitaalka si degdeg ah, qaniinyadan waxey qabsatay xilli uu bandhig ka waday jasiiradda loo dalxiiska tago ee Bokit, dhakhatiirtu waxey geliyeen qolka dadka xaaladoodu ay adag tahay, iyadoo maamlo ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen xaaladdiisa, waxaana la siiyay daawooyin lagu jabinayo sunta maska.

In kasta oo uu isbitaalka ka soo baxay dhowr cisho ka hor, ayaa weli waxa uu la dhibaatoonayaa  dhawaaca daran oo gubasho oo kale ah oo garabakiisa bidix ka muuqda.

Shayboodi waxa uu sheegay in maskan oo lagu magacaabo Boqorka Kobraha ay suntiisu xoog badan tahay, waxa uu ku tilmaamay inuu yahay bahal oo kale, waxa uu yiri: “Waxaan u haystay inaan dhiman doono”

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close