WararkaWaxbarashada

Shiinaha oo Lagu Qabtay Tartan Yaab Badan.. Waxaa lagu Guuleystay Boqoradda Basbaaska

Dadka daggan magaalada Yichun ee dalka Shiinaha ayaa waxey diyaariyeen tartan caadadii horey loo yaqaannay ka baxsan, waxaa lagu tartamayay basbaas, dadka waxaa loo diyaariyay barkado basbaas ah si qabowga xooggan ay ugu adkeystaan.

Tartankan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Yichun  ee ku taalla gobolka Jiangxi ee dalka Shiinaha, dadkii tartanka ka qeybgalay waxey cuneen tirada ugu badan ee basbaas kulul ah oo waqti record ah lagu cunayo.

Tartamayaasha ayaa waxey fariisteen barkado biyo diirran laga buuxiyay oo basbaas laga buuxiyay.

Heerkulka ayaa intii uu tartanku socday waxa uu gaaray illaa 2 darajo oo qura, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Gabadha la yiraahdo Yi Huan ayaa ku guuleysatay koobka (Boqoradda Basbaaska). waxaa la siiyay billad dahab ah, kadib markii ay cuntay 20 gobol oo basbaas aad u kulul ah oo muddo 1-daqiiqo ah ay ku cuntay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close