WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Aduunka ee Maanta oo Kale “22 December”

Maanta oo Tirada Taariikhda ku beegantahay 22 December waa maalinta 356aad ee sanadkaan, waxaana dhamaadka sanadka 2018 ka harsan 9 maalmood oo qura.

Maanta Oo kale 22 December 1851 Tareenkii ugu horeeyay oo rakaab ah oo India ka shaqeeya ayaa ka howl bilaabay Magaalada Roorkee ee dalkaasi.

Maanta Oo kale 22 December 1885 Itō Hirobumi ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Japan.

Maanta Oo kale 22 December 1886 Ururkii ugu horeeyay oo ay ku mideysanyihiin xirfadleyda xisaabiyaasha dalka Mareykanka ayaa lagu aasaasay Magaalada New York ee dalkaasi.

Maanta Oo kale 22 December 1886 Xiriirka Ciyaaraha Golf-ka dalka Mareykanka ayaa la aasaasay

Maanta Oo kale 22 December 1942 Ciidamadii Gariiga ayaa qabsaday Magaalada Himara ee dalka Albania.

Maanta Oo kale 22 December 1942 hogaamiyihii mayal adkaa ee dalka Jarmalka ee Adolf Hitler ayaa amray in ciidamada dalkaasi ay isticmaalaan madaafiicda ridadda dheer.

Maanta Oo kale 22 December 1965 UK ayaa xadidday xawaaraha gawaarida ee lagu wadayo wadooyinka waaweyn ee dalkaasi, iyadoo xawaaraha ugu badan laga dhigay 70mph (meter per hour)

Maanta Oo kale 22 December 1956 CIidamadii France iyo Britain ayaa ka baxay dalka Masar.

Maanta Oo kale 22 December 1964 ciyaaryahankii kooxda Manchester United ee Denis Lewis ayaa hantay jaa’izada Ballon d’Or.

Maanta Oo kale 22 December 1971 Qaramada Midoobay ayaa u magacawday madaxweynihii hore ee dalka Austria Xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Maanta Oo kale 22 December 1974 Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ay kordhiso wax soo saarkeeda shidaalka.

Maanta Oo kale 22 December 1978 Wadanka Thailand ayaa qaatay dastuur uu dalkaasi yeesho.

Maanta Oo kale 22 December 1981 Leopoldo Galtieri ayaa loo dhaariyay kurisga madaxtinimo ee dalka Arjantiin.

Maanta Oo kale 22 December 1987 Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Zimbabwe ee ZANU Iyo ZAPU ayaa ku heshiiyay in la joojiyo shaqaaqada ka taagneed gobolka Matabeleland ee dalkaasi.

Maanta Oo kale 22 December 1990 Lech Wałęsa ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha dalka Poland.

Maanta Oo kale 22 December 1994 Ra’iisul wasaarihii dalka Talyaaniga ee Silvio Berlusconi ayaa is casilay.

Maanta Oo kale 22 December 1997 Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa ka tanasulay xilka madaxtinimo Soomaaliya ee la isku heystay kaas oo isaga ay u magacaabeen Jabhadii SNA kadib geeridii Aabihiis, shirkii dib u heshiisiinta ee Qaahira ka dhacay.

Maanta Oo kale 22 December 1998 Xidigii Kooxda Juventus iyo Xulka qaranka France ee Zinedine Zidane ayaa la gudoonsiiyay Abaalmarinta xidiga Dunida ugu fiican wuxuuna ku garaacay jaa’izadaasi weeraryahankii kooxda Real ee Davor Šuker iyo xidigii kooxda Inter ee Ronaldo.

Maanta Oo kale 22 December 2016  Daraasad la sameeyay ayaa lagu helay Talaalka VSV-EBOV  ee ka hortagga viruska Ebola, wuxuuna noqday talalakii ugu horeeyay ee looga hortagayo cudurkaasi ee la helo.

Maanta Oo kale 22 December 2017 Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in cunoqabateyn dheeri ah la saaro waqooyiga Kuuriya.

Maanta Oo kale 22 December 2017  Kooxda Kubadda Cagta Maamul Goboleedka Juballand ayaa hanatay koobka Maamul goboleedyada ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kadib markii 1-0 ku dhufteen kooxda difaacaneysay koobkaan ee Puntland.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close