arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hooyo Iyadoo Daawaneysa Uu Wiilkeedu Ku Hor Naf Baxay.. Dhacdo Xanuun Badan oo Ka Dhacday Ukraine! (Muuqaal)

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dhintay kadib markii uu ka dib dhacay inuu furo dallaayad uu kaga soo booday dabaq aad u dheer oo la daggan yahay oo ku yaalla magaalada Makiivka ee Ukraine, halka ay goobjoog ahayd xilligii shilka hooyadii oo indhaheeda ku daawaneysay shilka uu wiilkeedu ku dhintay.

Muuqaalka ayaa la arkayaa bilowga hore marka uu wiilkan dhalinyarada ah ee Bogdan Firsov  oo (15 jir ah) u diyaar garoobayo inuu kasoo boodo dabaqa 14aad , halka saaxiibbadii iyo ehelkiisa ay si toos ah u duubayeen si ay markhaati uga noqdaan geesinimadiisa iyo khatarta uu u bareerayo.

Arrinta layaabka leh ayaa ahayd in dadkii daawanayay ay u sacabtumayeen oo ay ku dhiirrigelinayeen inuu soo boodo, iyagoon isku dayin iney ka joojiyaan khatarta uu u bareerayo ee uu naftiisa ku weyn wakaro, halka la tilmaamayo in dallaayaddii uu kusoo boodayay uu isagu gacantiisa ku sameeyay.

Khubarada dhacdadan ka hadlay ayaa tilmaamay khaladka aasaasiga ah ee wiilkan uu sameeyay ay ahayd inuu kasoo boodayay dabaq 45 mitir dhulka ka fog, halka bootinka dallayadda(baarashuutka) lagamamaarmaanka ah ay tahay 70-mitir meel dhulka ka sarreysa, xitaa haddii ay dallaayaddu furanto waqtigii munaasabka ahaa wiilkani ma’aanuu badbaadeen, waa sida ay khubaradu sheegeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close