arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Macmiilkii Nasiibka Badnaa.. Luul Ayuu Ka Dhex Helay Cuntadii Uu Cunayay!

 

lama filaanka ayaa ku hoggaamiyLay macmiil maqaaxi caan ah oo kalluunka lagu iibiyo oo ku taalla gudaha magaalada New York ayaa luul ka dhex helay gudaha raashin uu ka dalbaday maqaaxida.

Sida ay sheegtay Jariidada the Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Rick Antosh ayaa waxa uu aaday maqaaxi uu jecel yahay in uu marwalba uu ka cuno qado isagoo la sucda mid ka mid ah saaxiibadii oo ay ka wada cuntaynayeen, waxa uu ka dalbaday cunatiisa uu jecelaa isagoo fadhiyay (Grand Central Oyster), December 5, waxa uu ka cunay cuntada la yiraahdo (Pan Roast), oo ah maraq uu ku jiro  6 gobol oo maxaar ah, iyadoo lacagta laga qaadayna ay ahayd 14.75 dolar.

Jariidada The Guardian oo soo xiganeysa wareysi uu odaygan 60 jirka uu siiyay jariidada New York Post, ayaa sheegay : inuu dareemayay shay yar oo afkiisa ku dhex wareegaya, xilligii uu cuntada cunayay.

Sida lagu sheegay warbixinta, odaygan reer Mareykan ee Rick Antosh, ayaa jariidada ku yiri: “Markii hore, waan ka argagaxay, waxaan u qaatay inuu yahay ilig iga jabay.”, waxa uu sheegay in calaamad madow uu ku arkay shaygii caddaa ee uu helay.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: markii aaan arkay dhibicda madow, waxaan u qaatay weel jabkii, arrintaa aad baan uga xanaaqay, laakiin markii dambe waxaa uu noqday Luul xabbad digir ah le’eg.

Sandy Ingber oo ah madaxa kuugga cuntada kariya ee maqaaxida ayaa yiri: “Waxaan halkan ka shaqeynayaa 28-sano, waa markii labaad ee aan arko dhacdo noocaan oo kale ah, waxaan iibinnaa 5 kun oo gobol oo maxaar ah maalin kasta.”

Waxaa xusid mudan, inaan la garaneyn sida  luulka dabiiciga ah maxaarka looga helo, laakiin qiyaasaha la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 10-kun ee maxaar ah ay suurtaggal tahay in laga heli karo mid luul leh,waa sida uu sheegay Matthew W Gray, oo cilmiga physiologist ka dhiga jaamacadda Maryland.

Rick Antosh, waxa uu sheegay inaanuu garaneyn waxa uu ku sameyn doono luulka uu helay, laakiin uu hubo inuu markale ku noqon doono maqaaxida si uu nasiibkiisa u tijaabiyo inuu mid kale heli karo iyo in kale.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close