WararkaWaxbarashada

Aragtida Cilmiga ee Jacaylka aan Shuruudda lahayn

Ma raadineysaa lamaanaha naftaada ama jacaylka aan shuruudda lahayn? waxaa ka xunahay inaan kuu sheegno in shay mustaxiil ah oo aan la heli karin aad raadineyso, safarka aad ku baadi goobayso lamaane dhammeystiran, laakiin haddii shuruudahan la helo waa maqluul in la xaqiijiyo.

Halka ay mushkiladdu ka jirtaa waa labo arrimood oo kala ah:

Tan koowaad: Aadanaha iyo xiriirada dhameys ma noqdnaa, marwalba nuqsaan lagama waayo.

Kan labaad: Dadku inta badan waxey isku khaldaan jacaylka shuruudaha wata iyo kan aan wax shuruud ah wadan ee qafka ceeb walba ee uu leeyhaay lagu qadanayo.

Fikradda jacaylka aan shuruudda lahayn ee sare qof walbaa waxa uu doonayaa in lagu jeclaado sida uu yahay, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin, marka hore waa inaan nafteenna ka bilownno inagoo lamaanaheenna siineyna jacayl aan shuruudi ku xirneyn oo dhab ah.

Markaa noocan jacaylka ah waa mid qeexitaankiisu noqonayo inuu yahay mid aan la gaari karin, haddaaanuu ahayn mid mustaxiil ah oo salkiisa si lagu gaaro ay adag tahay, waa sida lagu qoray websiteka Verywell Mind.

Macnaha Jacaylka aan Shuruudda ku dhisneyn

Inta badan dadku ma fahamsanaha macnaha jacaylka aan shuruurdda ku dhisneyn, waxay iska yiraahdaan, waxaan doonayaa qof si shuruud la’aan ah ii jecel.

Halka dad badani ay ku fakaraan in jacaylka shuruud la’aanta ah uu yahay kan labada waalid oo jacayl aan shuruur lahayn caruurtooda siiya, halka noocan jacaylka ah uu yahay mid ku xiran xiriir qoys oo aan marnaba ku burbureyn waxwalba oo ilmaha yar amaba waalidku uu sameeyo.

Jacaylka aan shuruudda lahayn waa kan qofka kale farxaddiisa laga shaqeeyo iyadoo aan la eegeyn wax nacfi ah oo dhankiisa kaaga soo laabanaya.

Cilmi-baarisyada la sameeyaya ayaa tilmaamaya in qeyb ka mid ah maskaxda firficooni laga dareemo xilliga jacaylka aan shuruuda lahayn, waa mid shabbaha kan jacaylka hooyada, waxey la xiriirtaa habka abaalmarinta ee maskaxda.

Hadaba, jacaylka noocan ah ee shuruud la’aan ku dhisan, waxaa dhici karta inuu sidiisaba ku yahay hibo iyo mid aad abaalkiisa la haysto iyadoo aan dhanka kale ee la jecel yahay wax bedel ah laga filan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close