WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “23 December”

 

Maanta Oo taariikhda ay ku beegantahay 23 December waa Maalinta 357aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadka ka harsan kaliya 8 maalmood.

Maanta oo kale 23 December 1914 Ciidamo ka socday Australia iyo New Zealand ayaa soo gaaray magaalda Qaahira ee dalka Masar intii uu socday dagaalkii 1aad ee Adduunka.

Maanta oo kale 23 December 1922 BBC Radio ayaa bilaabay tabinta wararka maalinlaha ah.

Maanta oo kale 23 December 1933 Shil Tareen oo ka dhacay Galbeedka Paris ee Caasimadda France ayaa waxaa ku nafwaayay 230 ruux.

Maanta oo kale 23 December 1947 Waxaa marki ugu horeysay lasoo saaray Transistors-ka Raadiyaasha iyo Tv-yada .

Maanta oo kale 23 December 1954 waxaa la sameeyay Qaliinkii ugu horeeyay ee lagu guuleystay kaas oo lagu bedelayo killi, Waxaana fuliyay J. Hartwell Harrison iyo Joseph Murray oo ah Dhakhaatiir u dhalatay dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 23 December 1969 Xiddigii Qadka Dhexe ee Kooxda Ac Milan Gianni Rivera ayaa hantay Jaa’izada Ballon d’Or.

Maanta oo kale 23 December 1970 Dhismaha weyn ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku taal New York ayaa laga dhigay joogeeda 1368 feet oo u dhiganta (417 meter) Taas oo ka dhigtay daarta ugu dheer dunida xilligaasi.

Maanta oo kale 23 December 1979 Xoogaaggii Midowga Soviet ayaa qabsaday caasimada Afganistan ee Kaabuul.

Maanta oo kale 23 December 1990 Dalka Slovenia ayaa noqday dal madax bannaan, kadib Afti dadweyne oo la qaaday 88.5% ayaa u codeeyay in ay ka go’aan wadankii Yugoslavia.

Maanta oo kale 23 December 1997 Xidigii kooxaha Inter, Barcelona iyo Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Ronaldo ayaa ku guuleystay xidiga ugu fiiican dunidaa.

Maanta oo kale 23 December 2000 Xulka Cricket ka New Zealand ayaa dhagta dhiigga u daray  dhiggiisa Australia Ciyaar ka Tirsaneyd Tartanka cricket-ka Adduunka (Cricket World cup)

Maanta oo kale 23 December 2005 Dalka Chad (JAAD) ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan dalka Sudan.

Maanta oo kale 23 December 2012 Ciidamada Dowladda Syria ayaa dilay ku dhawaad 200 oo qof oo shacab kadib duqeymo diyaaradeed oo ay ka geysteen magalaada Helfaya ee dalkaasi.

Maanta oo kale 23 December 2016 Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal ay ku cambaareynayaan deegaameysiga ay Israel ka wado dhulka reer Falastiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close