WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Dunida ee Maanta Oo Kale “24 December”

 

Maanta oo tirsiimada taariikhda ku beeganatahay 24 December  waa maalinta 358aad ee sanadkaan. Waxaana dhamaadka sanadkaan inaga xiga 7 Casho oo qura.

Maanta oo kale 24 December 1851 Dhismaha Library ga Congress-ka dalka Mareykanka ayaa uu dab qabsaday

Maanta oo kale 24 December 1924 Wadanka Albania ayaa noqday Jamhuuriyad madax bannaan.

Maanta oo kale 24 December 1929 Waxaa dhacay Isku day dil oo la rabay in lagu Khaarajiyo madaxweynihii dalka Arjantiin ee xilligaasi Hipolito Yrigoyen.

Maanta oo kale 24 December 1941 Ciidamadii Britain Ayaa qabsaday magaalada Banqaasi ee dalka Libya.

Maanta oo kale 24 December 1951 Dalka Liibiya ayaa ka xaroobay gumeystihii Talyaaniga, Waxaana madax ka noqday xilligaasi Idris 1 oo loo caleemo saaray boqorka dalka Libya.

Maanta oo kale 24 December 1954 Gole qaabilsan Ilaalinta Xuquuqda Carrurta ayaa lagu aasaasay wadanka Holland

Maanta oo kale 24 December 1967 Shiinaha ayaa sameeyay Tijaabada Hubka NUkliyeerka.

Maanta oo kale 24 December 1968 xidigii hore ee Manchester United ayaa hantay Jaa’izada xifiga ugu fiican dunida.

Maanta oo kale 24 December 1969 Shirkadda Shidaalka Baarta ee Philips Petroleum ayaa heshay ceelkii ugu horeeyay ee shidaalw axeyna ka heshay Badda Athletic Ocean dhinaca xiga dalka Norway.

Maanta oo kale 24 December 1995 xidigii kooxda Ac Milan iyo xulka Liberia ayaa ku guuleystay Abaal marinta Ballon d’Or.

Maanta oo kale 24 December 2008 Jabhadda Lord’s REsisitance Army ee Dalka Uganda ayaa weeraro is xigxiga ku qaaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, axeyna xasuuqeen dad kor u dhaafaya 400.

Maanta oo kale 24 December 2012 Shirkii wada tashiga dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa Garowe lagu qabtay lagu soo gabogabeeyay.

Maanta oo kale 24 December 2014 Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra’iisul  wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

Maanta oo kale 24 December 2015 Dowladda Sooomaaliya ayaa maalinta dhalashada Nabiga NNKH u aqoonsatay maalin qaran oo kamid maalmaha ciidaha Soomaaliya.

Maanta oo kale 24 December 2016 Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating ayaa Walaac ka muujiyay xiisad ka taagneyd magaalada Gaalkacyo.

Maanta oo kale 24 December 2017 Hanti dhowraha Guud ee Somaliland ayaa sheegay in ay baaritaan dib u eegis ah ku sameynayaan 16 shirkadood oo heshiishyo gaar ah la galay hey’adaha iyo wasaaradaha Xukuumadda Somaliland.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close