WararkaWaxbarashada

Musician Kabankiisa Garaacanaya Iyadoo Qalliin Maskaxda Ah Lagu Fulinayo (Muuqaal)

Muyuusikiiste ka soo jeeda Koonfur Afrika ayaa qalliin dhanka maskaxda looga sameeynayay aanuu ka horistaagin inuu  garaaco aaladda uu xariifka ku yahay ee kabanka.

Musikistahan oo la yiraahdo Musa Manzini, ayaa kabankiisa iska garaacanayay xilli lagu fulinayay qalliin buro ah oo maskaxdiisa lagu sameynayay.

Dr. Rohen Harrichandparsad oo qaliinkna fulinayay ayaa sheegay in kabanka uu garaacayay Munzini uu ka garab siiyay iney qalliinkooda si wanaagsan u fuliyaan oo ay ilaaliyaan dareemayaashiisa, waa sida ay sheegtay jariidada The Washington Post oo dhacdadan layaabka leh warbixin ka qortay.

Dhakhatarku wax uu hadalkiisa sii raaciyay in Muse uu kaalin ku lahaa in qalliinka si wanaagsan loogu guuleysto, waxaan garaneynay ilbiriqsi kasta waxaan ka sameynayno qalliinka.

Waxaa xusud mudan, in Musikistahani uu kataarka tumayay isagoo ku jira suuxdin aan dhameystirneyn welina uu wacyigiisu joogo, halka music uu u garaacayay si caadi ah.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close