WararkaWaxbarashada

Nuskhad Tarjuman oo Qur’aanka Kariimka ah oo Cimrigeedu Yahay 203-sano oo Dib Loogu soo Celinayo Congress-ka Mareykanka.. Ogow Sababta

Kadib markii uu indha ka qarsoonaa muddo 12 sano ah ayaa mar kale dib loo arkayaa nuskhad ka mid ah tarjumaadda Qur’aanka Kariimka ah ee uu haystay madaxweynihii 3aad ee Thomas Jefferson, ayaa la keenay Congress si ay ugu dhaarato gabadh ka mid ah labadii haween ee ugu horreyay ee Musliim ah ee ku biira congress-ka waa Rashida Tlaib oo ilhaan Cumar ay mar soo wada bexeen.

Rashida ayaa codsatay iney ku dhaarato nuskhaddaa tarjuman ee Qur’aan Kariimka ah si ay ugu dhaarato Janaayada soo aaddan, waa sida uu sheegay Janalka Alxurra ee dalka Mareykanka laga leeyahay.

Haweenaydan oo laga soo doortay gobolka Michigan ayaa doonaysa iney gaashaanka u daruurto aaminaad ka dhaadhacsan dad badan oo Maryekanka in Islaamku uu ka fog yahay taariikhdii hore ee Mareykanka.

Dhaartan waa tan keenaysa in xubnaha cusub ee Congress-ka loo doortay ay si rasmi ah ula wareegaan xillkooda ay ku guuleysteen Novembertii hore, halkaas oo ay ka bilaabanayo kalfadhiga 116aad ee Congress-ka Mareykanka.

Xubin kasta oo Congress-ka ku soo biirtay waxaa lagu dhaarinaya diinta uu aaminsan yahay, arrintaas oo ka dhigan in labada gabdhood ee Muslimka ah ee Ilhaan iyo Rashida ay ku dhaaran doonaan Qur’aanka, halka rashiida ayba sii dooratay nuskhadda ay ku dhaaran doonto, waa nuskhad tarjuman ee Qur’aanka Kariimka ah oo uu lahaan jiray madaxweyihii Saddexaad ee Mareykanka Thomas Jefferson.

Madaxweyne Thomas Jefferson ayaa laba mujalad ka iibsaday nuskhad tarjuman oo Qur’aanka Kariimka ah, oo uu diyaariyay nin reer Ingiriiska ah oo la oran jiray George Sale, xilli uu qaanuunka baranayay.

203 sano ka hore, ayaa  Thomas Jefferson uu ogolaaday hindise maktabaddiisa gaarka ah looga iibsanayo, waxaa markaa ku jiray buugaagtii lagala wareegay nuskhadda tarjuman ee Qur’aanka Kariimka ah.

Tallaabadaasi waxey ahayd mid looga gollahaa in dib loogu yegleelo maktabadda Congress-ka si loo buuxiyo kadib markii ay Ingiriisku gubeen intii lagu gudaha jiray dagaalladii gobonnimo doonka.

Madaxweyne Thomas Jefferson, waxa uu caan ku ahaa inuu aad ugu dagaalmayay inuu meel mariyo sharci dadka loogu ogalaanayo xoriyadda diimaha ee gudaha dalka Mareykaka.

Si kastaba, Rashida ma aha qofkii ugu horreeyay ee nuskhaddan tarjuman Qur’aanka Kariimka ah ku dhaarta, waxaa 12sano ka hor uga horreeyay oo lagu dhaariyay ninkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ku biira Congress-ka Keith Ellison oo doortay inuu nuskhaddaa Qur’aanka ah ku dhaarto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close