CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Daahrogtay Saameynta uu Faraantigu Ku Yeesho Caafimaadka

Khubaro ka tirsan xarunta caafimaad ee jaamacadda Kansas ee dalka Mareykanka, ayaa waxey sheegeen in saameynta baraha jirka ee firfircoon ay suurtaggal tahay iney saameyn ku yeeshaan caafimaadka aadanaha.

Khubaradan oo maqaal ku faafiyay joornaalka ay leeyihiin ururka caafimaadka Mareykanka ayaa lagu sheegay in 40-80 baro shaqo oo firfircoon ay ku yaallaan faraha aadanaha, sidaa darteed; faraantiga gacmaha iyo xariiqmaha faraha ay saameyn kala duwan ku yeeshaan barahaa shaqeeya.

Halka, sida muuqata in farta faraantigeliska aan si gaar ah loo bartilmaansan maadama ay khubaradu maqaalka qortay ay sheegeen”Baraha firfircoon ee ku yaalla farta faraangeliska ay saameyn togan ku yeeshaan awoodda raganimo ee qofka, arrintaas oo ka dhigan in faraantigu uu qofka saameyn ku yeesho baahida uu lamaane u qabo, laakiin laguma talinayo in faraantiga yar ee ciriiriga ah la xirto, waxa uu si taban oo aan wanaagsaneyn u sameeyaa raganimada, ku darso waxa uu keenaa dhiigkar iyo xididada oo qalala.”

Khubaradani waxey sheegeen in faraantiyada kele ee aan ku labisonno faraha kala duwan tusale; ahaan kan aan gashanno fardhexada uu saameyn ku yeesho baraha firfircoon ee la xiriira wadnaha iyo xididada dhiigga iyo Endocrine system-ka, halka faraantiga aan gashanno faryareyda uu saameyn ku yeesho baraha firfircoon ee shaqada caloosha iyo xiidmaha la xiriira.

Khubaradan ayaa waxey ku talinayaan, inaan la xiran faraantiyada ciriiriga ah, gaar ahaan inaan muddo dheer la xirnaan, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la siibo xilliga hurdada, halka in faryarayda fanaati lagu xirto ay kordhiso inuu caabuq ku dhaco  Duodenum-yada, halka faraantiga guurka oo si joogta ah loo xirto uu cuduradda xubnaha taranka uu ku rido dumarka.

Halka in faraantiyo badan hal far lagu wato aaney habbooneyn muddo 5-saac ka badan inuu qofku wato, maadama saameyntooda aan wanaagsaneyn ay sii kordhi karto, isku dhex yaac badanna ay ka abuuri karto habsami u socodka shaqada jirka, iyadoo ay dhici karto iney keenaa gacanaac wadnaha oo kordha iyo cudurada laabta ku dhaca.

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close