WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta oo Kale “25 December”

 

Maanta Oo Taariikhda ay ku beegantahay 25 December Waa maalinta 359aad ee sanadka. Waxaana dhamaadka Sanadkaan 2018 naga xiga 6 Maalmood oo qura.

Maanta oo kale 25 December 1932 Dhul gariir cabirkiisu yahay 7.6 ayaa ku dhuftay gobolka Gansu ee dalka Shiinaha, waxaana ku dhintay 275 ruux.

Maanta oo kale 25 December 1941 Waxaa Soo dhamaaday dagaalkii Hong kong, Ciidamada Japan Ayaan bilaabay inay qabsadaan Hong kong.

Maanta oo kale 25 December 1946 dalka Taiwan ayaa yeeshay Dastuur lagu dhaqo dalkaasi.

Maanta oo kale 25 December 1947 Dastuurka dalka Shiinaha ayaa dhaqan geliyay.

Maanta oo kale 25 December 1973 Weeraryahankii kooxda Ajax ee  Johan Cruyff ayaa hantay Abaalmarinta xidigga ugu fiicn dunida ee Ballon d’Or

Maanta oo kale 25 December 1973 Wasiirada Tamarta iyo shidaalka ee wadamada Carabta ayaa ka laabtay go’aaan ahaa in dhimo 5% wax soo saarka saliidda, Sacuudiga ayaana ballan qaaday in in ururka OPEC uu 10% uu kor u qaadi doono wax soo saarka shidaalka.

Maanta oo kale 25 December 1976 Diyaarada laga leeyahay dalka Masar ee Egypt Air Flight 864 ayaa ku dul burburtay magaalada Bangkok ee Thailand, waxaana ku naf waayay 52 Ruux oo saarnaa diayaaradda iyo 19 kale oo ka ag dhawaa goobta uu shilka ka dhacay.

Maanta oo kale 25 December 1977 Ra’iisul wasaarihii Israel Menachem Begin ayaa Masar kula kulmay madaxweynaha dalkaasi ee Anwar Sadat.

Maanta oo kale 25 December 1984 xiddigii Kooxda Juventus iyo xulka France ee Micheal Platini ayaa ku guuleystay jaa’izada Ballon d’Or

Maanta oo kale 25 December 1991 madaxeynihii Midowga Soviet ee Mikhail Gorbachev ayaa is casilay xilka madaxtinimo ee midowga, kadib khudbad uu ka jeediyay Television-ka.

Maanta oo kale 25 December 2012  8 ruux ayaa ku dhimatay, halka kumunaan kalena ay ku guryo beeleen kadib dab xooggan oo qabsaday caasimada dalka Philippines ee Manila.

Maanta oo kale 25 December 2010: 12 ruux oo Soomaali ah ayey Booliska magaalada Rotterdam ee dalka Holland  Xabsiga u taxaabeen.

Maanta oo kale 25 December 2010 Madaxweynaha dalka Jabuuti ee  Cismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu marki 3aad u tartami doono kursiga madaxtinimada dalkaasi doorshada 2011.

Maanta oo kale 25 December 2015 Maamulka gobolka Shabeelada dhexe ayaa magaalada Jowhar ka Mamnuucay xirashada Indho Shareerka ama Niqaabka.

Maanta oo kale 25 December 2016 Wasiirkii difaaca dalka Ruushka Alexandrov Ensemble iyo xubno la socday ayaa diyaarad ay wateen oo lagu magacaabo Tupelov Tu-154 kula dul burburtay Badda Madow wax yar un markii ay hawada gashay, waxaana ku dhintay dhammaan 92 ruux oo saarnaa diyaaradda, uuna kamid ahaa wasiirka.

Maanta oo kale 25 December 2016 xeer ilaaliyihii Ciidamada xoogga Puntland Korneel Cabdikariim Xasan Firdhiye ayaa lagu dilay magaalda Boosaaso.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close