WararkaWaxbarashada

Muuqaal: Cirbixiyeen Mar Kale Socod Barad Ah Kadib Markii uu Dib Ugu Soo Laabtay Dhulka!

Cirbixiyeen u dhashay dalka Mareykanka oo la yiraahdo Drew Feustel ayaa faafiyay muuqaal isagoo u tababaranaya habkii uu dhulka ugu socon lahaa kadib markii uu ka soo laabtay saldhig hawada sare ku yaalla.

Drew, waxa uu bartiisa twitterka soo dhigay iney waajib ku tahay inuu socodka barto, kadib markii uu muddo dheer ku sugnaa saldhigga caalamiga ah ee cirbixiyeennada adduunka.

Feustel waxa uu salaan u gudbiyay shaqaalihii dayax gacmeedka SoyuzMS09, oo dhulka dib ugu soo laabtay oo ku soo dhacay Kazakhstan December 20, 2018.

Waxaa xusid mudan, in Feustel uu saldhigga caalamiga ah ee hawada sare uu ku qaatay 197 maalmool oo uu ku sugnaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close