WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinka Maanta Oo Kale Ka Dhacay Adduunka “26 December”

Maanta oo taariinkhda ku beegantahay 26 December waa maalinta 360aad ee sanadka waxaana dhamaadka sanadka 2018 naga xiga 5 maalmood oo qura.

Maanta Oo Kale 26 December 1805 Wadamada France iyo Austria ayaa heshiis nabadeed oo lagu joojinayo colaada u dhaxeysay labada dhinac kala saxiixday.

Maanta Oo Kale 26 December 1948 Ciidamadii ugu dambeeyay ee Midowga Soviet ayaa ka baxay dalka Koonfurta Kuuriya

Maanta Oo Kale 26 December 1972 Xiddigii Kooxda Bayern Munich ee Franz Beckenbauer ayaa hantay abaal marinta Ballon d’Or.

Maanta Oo Kale 26 December 1975 Diyaaradii ugu horeysay oo ah nooca aadka u xawaare dheereeyaa loona adeegsado hab ganacsi ah ayaa shaqo bilowday, waxaana lagu magacaabaa Tu-144.

Maanta Oo Kale 26 December 1979 Ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee Midowga Soviet aya guda u galay lana waregay gacan ku heynta Qasriga madaxtooyada Afghanistan ee ku yaal caasimadda dalkaasi ee Kabul..

Maanta Oo Kale 26 December 1995 Ciyaaryahanka Cricket-ka Xulka South Africa ee Paul Adams ayaa noqday xiddiggii ugu da’da yaraa ee matala xulkaasi, waxeyna da’diisu aheyd 18 sano iyo 340 maalmood.

Maanta Oo Kale 26 December 1998 Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay beegsaneyso diyaaradaha dagaal ee Mareykanka iyo Britain ee isticmaalayay Aagga duulimaadyada ka caaganaa ee dalkaasi.

Maanta Oo Kale 26 December 1999 Duufaano Xooggan oo ku dhuftay Bartamaha Yurub ayaa sabbay dhimashada 137 ruux  iyo qasaaraha hanti gaareysaa 1.3 Bilyan oo doolar.

Maanta Oo Kale 26 December 2004 Wareegi ugu dambeeyay ee doorashada dalka Ukraine ayaa bilowday, iyada oo ay Goobjoog ahaayeen Kor joogto badan oo Caaalami ah.

Maanta Oo Kale 26 December 2009 Shiinaha ayaa daah furay Wadada ugu dheer oo ay isticmaalayaanTareenada aadka u dheereeya, taas oo isku xireysa magaalooyinka Beijing iyo Guangzhou

Maanta Oo Kale 26 December 2012 Guddida Diwaangalinta iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Wadani ay ku Guulaysteen  Inay Noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee talada ku loolami doona ilaa sanada 2022.

Maanta Oo Kale 26 December 2015 Daadad ku dhuftay wadamada Paraguay, Argentina, Brazil iyo Uruguay ayaa waxaa ku barakacay ku dhawaad 150,000 oo qoys.

Maanta Oo Kale 26 December 2016  koox ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaashooda ayaa dooni kula rogmatay harada Lake Albert ee dalka Uganda, waxaana ku nafwaayay ilaa 30 ruux.

Maanta Oo Kale 26 December 2017  Dadka reer Laybeeriya ayaa u dareeray cod bixinta  wareega 2aad ee Doorashada Dalkaasi, waxaana ku loolamayay ciyaartooygii hore ee kubada cagta George Weah iyo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ee Joseph Boakai oo kala matalayay xisbiyada CDC iyo UP.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close