WararkaWaxbarashada

Mataanaha Iskugu Shabbahaadda Badan Adduunka oo Hal Nin Wada Jeclaaday Islamarkaana Doonaya Iney Guursadaan!.. Caqabaddan Ayaase Hortaaggan! (Muuqaal)

Mataanaha ugu shabbahaadda badan adduunka ayaa doonaya iney guursadaan nin kaliya oo xiriir uu kala dhaxeeyay muddo 6-sano ah, waxaase hortaagan sharciga Australia oo aan ogoleyn in ninku uu xaasas badan yeesho.

Labadan mataane oo la kala yiraahdo Anna iyo Lucy oo (33-jir ah) ayaa baraha bulshada soo dhaigay farriin ay ugu ol’oleynayaan si loogu ogolaado iney guursadaan saaxiibkooda Ben Byrne.

Mataanahan oo wareysi siiyay janalka Hughesy ee dalka Australia maalmo ka hor, ayaa yiri: “Hal lamaane ayaan wada jeclaannay waa Ben, waxaan dooneynaa inaan guursanno laakiin qaanuunka Australia nooma ogola, Maxaan sameynaa Tolow?”

Dalka Australia ayaan laga ogoleyn guurka hal haween ah wax ka badan, waxaana arrinkaa diiday qaanuun soo baxay 1961, labadan mataanaha ah ayaa ku adkeysanaya go’aan kooda, waxey ka soo jeedaan magaalada Perth, labadan mataanaha ah ayaa waxa kaliya ee ay ku fakarayaan uu yahay guurka Ben iyo iney ku lamaansanaadaan Weligood.

Ben waxa uu daggan yahay meel guriga mataanaha ka fog in looga socdo 40 daqiiqo oo gaari ah, laakiin 2017 ayaa isaga iyo hooyadiiba waxey u soo guureen guriga mataanaha oo ay ilaa hadda ku nool yihiin.

Labadan mataane ayaa sheegay in Ben uu si siman oo cadaalad ah ula dhaqmo oo aanuu kala jaclayn.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close