WararkaWaxbarashada

100-dolar oo Qura ayaa Bishii Ku filan.. Jilaa Chinese ah oo Ku Tabarucay Hantidiisa oo Gaareysa 700-milyan!

Jilaaga Chinese-ka ah ee Hollywoodka caanka ka ah Chow Yun-fat, ayaa ku tabarucay hantiida oo gaareysa 700 milyan oo dolar, oo lagu fulin doono howlo samafal ah geeridiisa kadib, go’aan lama filaan ku noqday dad badan oo aktarkan taageeryaal u ah.

Fat waxa uu sheegay inuu bishii kharashka ku baxaa uu gaarayo 106 doolar oo qura oo ay ku filan tahay, waxa uu ku noolyahay nolo sahlan oo faqiitinimo, waxa uu raacaa gaadiidka dadweynaha, waxa uu eegtaa tukaamada qiimo dhimista sameeya, waxaanuu ka adeegtaa tukaamada raqiiska ah ee dadka aan hantida lahayn ay ka adeegtaan.

Aktarka oo hadda 63 jir ah, horeyna ugu guuleystay abaalmarinta caanka ah ee Oscar, filimkiisii (Crouching Tiger, Hidden Dragon), ayaa sheegay inuu ku nool yahay nolol fudud oo hoosaysa aadna u dhex dhuuqsi badan.

Aktarkan oo ka soo dhex muuqday liiska Forbes ee Aktarada ugu mushaarka badana sanadkii 2015, ayaa waxa uu yiri: “Lacagtu maaha wax aad weligaa haysaneyso, marka aad dhimato, dad kale ayaa kaa dhaxlaya.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Lacagtaada qabriga lama galeysid, marka aad dhimato.”, mar uu wareysi siinayay idaacadda iyo telefishinka Kuuriyada Koonfureed ee (Monhuwaa), waxa uu tilmaamay in xaaskiisu ay go’aanka si xoog badan ugu taageertay.

Chow dadka ku hareeraysan waxey aad ula yaabaan dhaqankiisa, lacagta isma raacraaciyo, waxa uu aaminsan yahay in uu sii haye ka yahay oo qura, waa sida uu saxaafadda u sheegay xilli sii horreysay.

Waxa uu aasaasay hay’ad Samafal

Chow iyo haweenayda uu qabo ee Yaasmin Tan, waxey aasaaseen mu’asasadooda gaarka ah sanooyin ka hore, halkaas oo uu ka hago howlihiisa samafaleed.

Aktarkan ayaa marar badan la arkayay isagoo sawir Selfie ah la galaya dad taageeryaashiisa ah isagoo aad u xamaasadeysan tareen dushii gudaha Taywaan , halkaas oo uu ku xayaysiinayay filimkiisa cusub ee (Project Gutenberg).

Aktarkan ayaa horey u soo jilay filaan farabadan oo guuleystay dadkuna ay aad u jeclaysteen.

Sanooyinkii dambe, dadka waxaa aad u soo jiitay hab nololeedkiisa dhex dhexaadka ah ee heerka hoose.

Taageeryaashiisa iyo dadka deggan magaalada Hong Kong waxey u yaqaanna (Walaal Fan), maadama ay noloshiisu aad ugu dhow dahay tan dadka caadiga ah.

Chow, muddo 40 sano ah ayuu ku jiray sameynta filimaanta, waxa uu xidig noqday Sideetameeyaadii illaa maanta marnaba calankiisa hoos uma dhicin.

jariidada Los Angeles Times, ayaa waxey ku tilmaanay inuu yahay aktarka ugu qiimaha badan adduunka.

Waxa uu dhashay 1955, waxa uu ku dhashay magaalada Hong Kong, waxa uu Hollywood ka ku biiray 1992, halkaas ayuuna ka bilaabay aflaamta Hollywood,  filimkiisii ugu horreeyay waxa uu ahaa The Replacement Killers.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close