WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Maanta Oo Kale Dunida Ka Dhacay “27 December”

Maanta Oo Taariikhda ku beegantahay 27 December waa maalinta 361aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018 naga xiga oo qura 4 maalmood

Maanta Oo Kale 27 December 1924 Dowladda Albania ayaa qaadatay nidaamka Kaligii talis ka ah waxaana hogaan ka noqday Ahmed Beg Zofu.

Maanta Oo Kale 27 December 1945 Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa la aasaasay waxaana xiligaasi xubin ka noqday 29 dal oo saxiixay heshiishkii lagu dhisay hey’addaan.

Maanta Oo Kale 27 December 1949 Dowladda Holand ayaa  aqoonsatay madaxbanaanida dalka Indonesia.

Maanta Oo Kale 27 December 1961 wadamada Belgium ka iyo Congo ayaa dib usoo celiyay xiriirkii Diblumaasiyadeed ee labada dhinac oo in muddo ah hakad ku jiray.

Maanta Oo Kale 27 December 1978 dalka Spain ayaa qaatay nidaamka Dimuqraadiga ah, kadib 40 sano oo ay heysatay nidaamka Kaligiis taliska ah.

Maanta Oo Kale 27 December 1979 Ciidamadii midowgii soviet ayaa qabsaday jamhuuriyadda dalka Afghanistan.

Maanta Oo Kale 27 December 1983 ciyaaryahankii xulka France iyo kooxda Marwada duqda ah ee Juventus ee Michel Platini ayaa shanta farood ku dhigay Jaa’izada Ballon d’Or

Maanta Oo Kale 27 December 1996 Xooggagi Taliban (Daalibaan) ayaa qabsaday saldhigga Muhiimka ah ee Bagram oo ku dhow caasimadda Kabul taas oo sii badisay tirada goobaha ay Ururka gacanta ku hayeen.

Maanta Oo Kale 27 December 2001 Mareukanka ayaa Shiinaha u ogolaaday inuu la sameyn karo xiriir ganacsi oo caadi ah.

Maanta Oo Kale 27 December 2007 ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa la dilay.

Maanta Oo Kale 27 December 2008 ciidamada Yahuuda ee Israel ayaa Magaalada Gaza ka bilaabay howlgal qaatay 3 Isbuuc, kaas oo sababay xasuuqa dad badan oo shacab reer Falastiin ah.

Maanta Oo Kale 27 December 2016 Xildhibaanada Laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho, munaasabad ka dhacday  Dugsiga Tababarka Booliska (School Polizio), waana markii ugu horeysay ee Soomaaliya yeelato baarlamaa ka kooban labo aqal.

Maanta Oo Kale 27 December 2016 Xulka gabdhaha kubadda Koleyga Banaadir ayaa Ku Guuleysatay Tartankii Kubadda Koleyga ee ka dhacay Garoowe.

Maanta Oo Kale 27 December 2016 Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ansixiyay Golaha wasiirada maamulkaasi.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close