WararkaWaxbarashada

Maqaaxidii Xabsiga.. Waddo Aad Ku Dareemi Karto Qiimaha Xoriyadda uu Qofku Haysto (Muuqaal)

Maqaaxi ku taalla gobolka Yaaloofa ee dalka Turkiga ayaa dad badan oo kuwa deegaanka ah iyo kuwo dalxiisayaal ahba soo jiidatay, marka la eego jawigeeda yaabka leh ee u dhigma dunida xabsiyada si layaab badan.

Wakaaladda Turky Press ayaa waxey sheegtay in maqaaxidan loo dhisay sida hab xabsi oo dhan walba looga ekaysiiyay, shaqaalaha jooga waxey ku labisan yihiin dharka ciidamada asluubta ee xabsiga waardiyaha ka ah iyo qaar kale oo ku labisan dharka maxaabiista.

Maqaaxidan ayaa ka koboan 4 dabaq, dalabka waxaa barbar socda oo lagu keenayaa dharka maxaabiista si macaamiisha ay u xidhaan oo ay sawirro selfie ah iskaga qaadaan.

Halka maqaaxidu ay leedahay qolol dusha sare ka furan oo lamid ah kuwa maxaabiista ay ku qorraxeystaan.

Milkiilaha maqaadan ayaa doonaya inuu abuuro deegaan uu qofku ku dareemi karo qiimaha xorriyaddu ay leedahay isagoo qofku aan xabsi dhab ah gelin.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close