WararkaWaxbarashada

Waxa uu Guuriyay 3000 Gabdhood oo Mid Kasta uu Siiyay 7000 kun oo dolar.. Wax ka Ogow Qisada Maalqabeen Gabdhaha Agoomaha ah Guuriya (Muuqaal)

Boqolaal gabdhood oo Hindi agoon ah ayaa loo guuriyay aqalka lamaanahooda, xaflad guur wadareed ah oo India ka dhacday oo uu soo qabanqaabiyay maalqabaneenka Dheemanka ka ganacsada ee la yiraahdo Mahesh Savani, kaas oo guuriyay 3000 oo gabdhood siddeedii sano ee la soo dhaafay.

Sida lagu sheegay warbixin ay faafisay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Mahesh Savani oo ah gacansadaha maalgeliyay xaflad wadareedkan gabadhaha agoomaha ah lagu guurinayo ee ka dhacday magaalada Sowraat, ayaa sanad walba xaflad guur wadareed ah dhiga, sidan oo kale, laga soo bilaabo 2010, waxa uu aaminsan yahay in gabar la guuriyo ay tahay barako xagga rabbi ah oo aad u wanaagsan.

Jariidada oo soo xiganeysa DNA India, ayaa sheegtay in xafladda sanadkan loo qabtay 261 dumar ah oo ay ku jiraan 6 gabdhood oo Muslim ah, 3 masiixi ah, waxaana ka soo qeybgalay Fijey Ruubaani oo ah ra’isul wasaaraha gobolka Gojoraat.

Hadiyadaha Arooska

Lamaanayaashii sanadkan nasiibka u helay aroos-wadareedkan waxa uu gacanta u galiyay hadiyado qaali ah oo noloshooda ay ku bilaaban karaan, lamaane kasta waxa uu gacanta u geliyay 200 oo kun oo Rubi oo ah lacag u dhiganta 2,850 doolar. Savani, sanadadii hore waxa uu bixin jiray hadiyado qiimahoodu gaarayaan 500 oo kun oo rubi oo u dhiganta 7,120 doolar.

Gabdhaha arooska ah ee Isniintii December 24 la guuriyay, ayaa waxaa ka mid ahaa 118 gabdhood oo aan wax walaal ah lahayn iyo 54 kale oo abbe iyo hooyo la’aan ah.

Guurka India aad ayuu u kharash badan yahay

Guurka gudaha India aad ayuu u kharash badan yahay, gaar ahaan dhaqanka Hindida waxa uu ku khasbanaa qoyska caruusadda iney meherka bixiyaan hadiyado farabadan ay keenaan, xilliga arooska, sidaa darteed; waalidku marka ay gabadhoodu dhalato ayay bilaabaan lacag uruurin ay ugu talagalaan maalinta arooskeeda, markaa haddii gabadha uu aabaheed geeriyoodo ama ay waalid la’aan tahay, waxaa ku adkaaneysa fursadda ay ku guursan karto oo aad usoo koobmeysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close