WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Aduunka ee Maanta oo Kale “29 December”

Maanta oo taariikhda ku beeganatahay 29ka December waa maalinta 363aad ee sanadka, waxaana sanadkaan sii idlaanaya ee 2018 naga xiga 2 maalmood oo qura.

Inta aan guda gelin Dhacdooyinka maanta oo kale dhacay, bal aan wax yar dib u milicsano dhacdooyinkii ugu muhiinsanaa gaar ahaan kuwa Soomaaliya ee shalay oo jimco aheyd taariikhduna ku asteysneyd 28 december dhacay.

Maanta oo kale 29 December 1778 ciidamadii Britain ayaa qabsaday Magaalada Savannah ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 29 December  1921 William Lyon Mackenzie King ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaarihii 10aad ee dalka Canada.

Maanta oo kale 29 December 1937 Wadankii Irish Free State ayaa loo bixiyay magaca Ireland, waxaana uu qaatay  dastuur Cusub.

Maanta oo kale 29 December  1949 Wadanka Hungary ayaa qarameeyay dhammaan warshadihii dalkaasi.

Maanta oo kale 29 December  1970 Xidigii kooxda Bayern Munich ee Gerd Müller ayaa ku guuleystay Abaalmarinta xidigga ugu fiican dunida ee Ballon d’Or.

Maanta oo kale 29 December  1975 Qarax Bambaano oo ka dhacay Garoonka LaGuardia Airport ee ku yaal Magaalada New York ayaa waxaa ku naf waayay 11 ruux, halka 74 kale uu dhaawac kasoo gaaray.

Maanta oo kale 29 December  1983 Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu ka laabtay xubinimadii hey’adda Qaramada Midooobay u qaabilsan waxbarashada ee UNESCO, inkastoo 1 October 2003 uu dib ugu soo laabtay.

Maanta oo kale 29 December  1989 Václav Havel ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynihii wadamadii la isku oran jiray Czechoslovakia.

Maanta oo kale 29 December  1996 Dowladda Guatamella iyo ururka mucaaradka dalkaasi ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhameynayo dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo 36 sano ah.

Maanta oo kale 29 December  1997 Hong Kong ayaa bilowday in ay leyso 1.25 Milyan oo digaag ah si ay u joojiso faafidda durayga ku dhaca digaaga oo sababay dhimasho badan.

Maanta oo kale 29 December 2012 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay qeybtii labaad ee golaha wasiiradda ee xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid.

Maanta oo kale 29 December 2014 Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Masar isagoo halkaasi kulamo kula qaadatay madaxda dalkaasi iyo kuwa Jaamacadda Carabta.

Maanta oo kale 29 December 2015 Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadaha Turkiga ee Al-Bayrak iyo Favori oo gacanta ku haya Dekedda iyo Madaarka Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo.

Maanta oo kale 29 December 2015 Dowladda Guinea iyo Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegay in Virus-ka Sababa cudurka Ebola laga ciribtiray dalkaasi, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 2500  ooo qof.

Maanta oo kale 29 December 2016 Xoghayihii qaramada Midoobay ee Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee Soomaliya.

Maanta oo kale 29 December 2017 kooxda kubbadda cagta Elman ayaa ku guuleystay koobka Somali Super-Cup waxeyna 1-0 kaga adkaatay Naadiga Dekedaha oo aheyd kooxda qaaday horyaalka dalka sanadkaas.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close