arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenaydu Waa 65 Jir Ninkeeduna 80.. Dhacdaduna Waa Mid Naadir Ah (Muuqaal)

Haweenay India u dhalatay ayaa waxey noqotay hooyooyinka fara ku tiriska ah ee da’ weynida ku dhala, iyadoo 65 jir ah ayaa waxey dhashay gabadh yar, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail  Khamiistii.

Haweenaydan 65 jirka ah ayaa la sheegayaa iney ilmaheedan yar dhashay Arbacadii isbitaal ku yaalla gobolka Jambuu Wakashmiir ee waqooyiga India.

Sida ay warabaahintu sheegtay, odaygan 80- jirka ayaa Alle uga mahadceliyay hadiyadan qaaliga ah, laakiin waxa uu dadka ka codsaday iney garab maaliyadeed u fidiyaan oo ay soo caawiyaan.

Daily Mail, waxey sheegtay in qoyskani ay horey u haysteen canug kale oo u dhalatay 10-sano ka hor.

Dr. Shabiir Sadiiqi oo ah dhakhtar dumar ayaa sheegay in xaaladdan ay tahay mid naadir ah, waxa uu intaa sii raaciyay, caado ahaan dumarku waxey dhalmada joojiyaan marka ay gaaraan 47-sano.. markaa wixii ka dambeya suurtagalnimada ah iney haweenaydu caruur dhasho wey adkaaneysaa.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay : “Da’da ay hooyadani ku dhashay waa mid naadir ah oo ay adag tahay in dumarka lagu arko.”

Isbitaalka ay hooyadani ku dhashay, ayaa sheegay in hooyada iyo canugteeda yariba ay caafimaad qabaan.

Inta badan haweenka dhala 50 jirka ka dib, waxey ku dhalataan habka loo yaqaanno Artificial insemination ee bacraminta ah, laakiin hooyadani si dabiici ah ayay ilmaheeda ku dhashay.

Haddii aan ka eegno dhanka caafimaadka, khubaaradu waxey carrabka ku adkeynayaa in waqtiga dhalmada ku habboon uu yahay inta ka horreysa 30 jirka oo xaaladdu ay wanaagsan tahay.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close