WararkaWaxbarashada

Hees Cusub oo Uu Soo Saaray Madaxweynaha Turkmenistan oo Dood Badan Ka Dhalisay Baraha Bulshada (Muuqaal)

Madaxweynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdimuhamedof, ayaa hees u qaaday sanadkan cusub 2019, muuqaalka heestiisa ayaa la soo dhigay barta Youtube, arrintaas oo la yaab iyo af kala qaad ku noqotay dad badan oo dalkiisa ka soo jeeda oo nolol maalmeedku uu ku adag yahay.

Muhamedof ayaa ku heesay erayo uu isagu tiriyay oo ka koobnaa luqadaha Ingiriiska, Jarmalka, iyo Turkmen, isagaana biyaanadiisa garaacanayay, heesta waxaa ka qeyb ahaa wiil uu awoowe u yahay oo music-ga heesta qaabeeyay.

Muuqaalka heestan oo lagu faafiyay janalka “Chronicle of Turkmenistan“, ayaa dad badan oo isticmaala baraha bulshada ay aad uga caroodeen, gaar ahaan dad weynah dalkiisa, qof heesta ka falceliyay ayaa yiri: “Heesta aad ayaad ugu fiican tahay, ugu yaraan dadku quud ayay ka dhigan karaan”, isagoo markaa ula jeeday in dadka ay maciishada la dhibaataysan yihiin, inuu dadka noloshooda ka fikiro ay ahayd intuu hees ku mashquuli lahaa waqti badanna uu ku bixin lahaa, qof kale oo caraysan ayaa yiri: “Dadka masaakiinta ah gaajo ayaa dilootay, si ay burka u iibsadaan safaf dhaadheer ayay u galaan, dadka nolol maalmeedka ayaa ku adag, isaguna halkan ayuu heesayaa.”

Halka qofka kale oo baraha bulshada isticmaal uu soo qoray: “Madaxweynaha iyo wiilka uu awoowaha u yahay music-ga sida loo garaaco waxba kama yaqaanaan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close