TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Tirada Dadka Adduunka Waxaa Ku Kordheysa 2 bilyan oo Qof Marka La Gaaro 2050… Daahrog Cilmi ah oo Kordhinaya Waxsoosaarka Qamadiga 3 Laab (Muuqaal)

Koox cilmi-baaryaal ah ayaa waxey daahrogeen hab cusub oo suurtaggal ka dhigaya in wax-soosaarka qamadiga kor loo qaado 3 laab, si loo waajaho baahida sii kordheysa ee raashinka loo qabo daafaha kala duwan ee dunida.

Joornaalka la yiraahdo Wonderful engineering ee dalka Mareykanka ka soo baxa, ayaa sheegay in la filayo in dadka adduunka ay ku soo kordhi doonaan 2 billion oo qof oo kale marka la gaaro 2050, arrintaasina ay ka dhalan karto mushkilado caalami ah oo cunto yari ay dad badani waajihi karaan.

Joornaalka waxa uu intaa sii raaciyay: ” Khubaradan ayaa waxaa u suurtagashay iney soo hindisaan qalab cusub oo laga soo dheehday khibradda wakaaladda NASA ee dhanka abuurka.”, Cilmibaarayaasha oo ka tirsan jaamacadda Sydney ee Australia, ayaa waxey daahroggoodan ka dheehdeen wadada cilmiga ah ee raashinka ay ku beertaan cirbixiyeennada xilliga ay ku jiraan safarada hawada sare, safaradii ay wakaaladaha hawada sare sameeyeen saannooyin la soo dhaafay.

Wadadan cusub ee khubaradani ay doonayaan iney ku kordhiyaan wax-soo-saarka qamadiga ayaa waxa ay ku  tiirsan tahay in abuurka lagu beero guryo dhalo ka sameysan iyo in la adeegsado iftiin goonni ah si loo kordhiyay dalagga beerta ka soo go’i kara.

Joornaalka ayaa sheegay in qalabkan lagu kordhinayo waxsoosaarka qamadiga, uu ku tiirsan yahay in la isticmaalo iftiinka  Sodium-vapor lamp, oo qiimahoodu jaban yahay, si qiimimaha qamadigan lagu soo saaro aanuu ku noqon mid aad u sarreeya.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close