WararkaWaxbarashada

6 Qodob oo Lagu Gaaro Sareedada Guurka ee Jacaylka Iyo Farxadda Ku Dhisan (Muuqaal)

Guurka waxaa lagama maarmaan ah in uu noqdo mid ay lamaanuhu ku xasilaan inuu guuleystana laga wada shaqeeyo.

Guurka farxadda ku dhisan waa mid dareen badan, xiriirku uu adag yahay, waxyaabo badan la isku waafaqsan yahay, qaar kale lagu kala duwan karo.

Website-ka Sky Bold, ayaa soo bandhigay qodobbo haddii aad ku dhaqanto kuu ballanqaaday in guurkaagu noqdo mid nagu nasto oo lagu nagaado.

1- In waxwalba la isku caddeeyo oo aan wax lakal qarsan

Inta badan khilaafka guurka waxaa sabab ah inaan waxba la isku caddeyn oo arrimo badna oo uu mugdi ku jiro lasoo bandhigi waayo oo mugdi farabadan uu lamaanihii soo kala dhex galo, qof kastaa waa inuu isku dayo inuu dhanka kale aanuu waxba ka qarin.

2- Ka qeybgal

In howlaha qaar la wada qabto waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee guurka inuu guuleysto keeni kara, sida in howsha guriga la wada qabto, in shaqada guriga aad wax ka qabato raganimadaada hoos uma dhigayso, taa bedelkeeda waxey muujineysaa jacaylka iyo naxiirsta aad u lamaantaada u hayso.

3- Saamaxaad iyo gacan furnaan

In la isasaamaxo waxbana aan la iska hagran waa astaan lagu yaqaanno jacaylka dhabta ah, is fahamka iyo isasaamaxaadda, waa wadada ugu muhiimsan ee nagaashiyaha guurka lagu gaaro.

  1. Runsheegga iyo ixtiraamka

Runsheegga iyo ixtiraamka waa tiirarka aasaasiga ah ee guurka farxadda ku dhisan, haddii tiirarkaa midkood la waayo, waxey ka dhigan tahay in guurkaa fashilkiisa uu soo dhawaaday.

5- Ceebaha oo la isku qaato

Ma jiro qof dhammeystiran, qof walbaa waxa uu leeyahay ceebihiisa u gaarka ah, arrinta muhiimka ah ayaa ah in ceebaha la aqbalo, iney tahay sirta guurka wanaagsan.

  1. Caadada Rontiinka oo la jabiyo

Roninta iyo nolosha oo aan isbedelka lahayn waa cadowga aamusan ee xiriirka burburiya, waa in nolosha isbedel lagu sameeyo, sida; safar gaaban oo la wada galo, shaneemada oo la wada aado, casho la awada qaato meel ka baxsan guriga, ama howl kale oo cusub oo xiiso leh oo la wada qabto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close