WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta oo Kale “30 December”

Maanta oo Taariikhda ku beegantahay 30 December  waa maalinta 364aad ee sanadka, waxaana gabagabada sanadkaan sii idlaanaya ee 2018 naga xiga 1 maalin oo qura.

Maanta Oo Kale 30 December 1703: Dhul gariir Xooggan oo Ku dhuftay Caasimadda dalka Japan ee Tokyo, ayaa waxaa ku dhintay 37,000 (Soddon iyo Toddobo kun) oo ruux.

Maanta Oo Kale 30 December 1813: Ciidamadii Britain ayaa gubay xaafada Buffallo ee ka taal NewYork.

Maanta Oo Kale 30 December 1922: Midowgii Soviet ayaa la aasaasay.

Maanta Oo Kale 30 December 1927: Japan ayaa daahfurtay wadadii ugu horeysay ee dhulka hoostiisa marta ee laga yagleelo qaaradda Asia, taas oo ay isticmaalayaan Tareenada.

Maanta Oo Kale 30 December 1947: Dalka Romania ayaa noqday Jamhuuriyad, isagoo ka guuray nidaamka boqortooyada.

Maanta Oo Kale 30 December 1965: Ferdinand Marcos ayaa oo doortay madaxweynaha dalka Philippines.

Maanta Oo Kale 30 December 1979: dalka Togo ayaa yeeshay dastuur lagu dhaqo, waana kii saddexaad ee loo sameeyo dalkaasi.

Maanta Oo Kale 30 December 1980: Xidiggii hore ee kooxda Bayern Munich, hadana ah madaxweyanaha Kooxdaasi ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku guuleystay Abaalmarinta xidigga ugu fiican Dunida ee Ballon d’Or.

Maanta Oo Kale 30 December  2006: Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay Garoonka diyaaradaha Madrid–Barajas Airport ee ku yaal caasimadda dalka Spain ee Madrid.

Maanta Oo Kale 30 December 2006: Madaxweynihii dalka Ciraaq ee Sadaam Xuseen ayaa la daldalay.

Maanta Oo Kale 30 December 2009: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ciidamada Mareykanka ee Chapman ee dalka Afghanistan, ayaa waxaa ku dhinay sagaal Ruux.

Maanta Oo Kale 30 December 2013: Weerar ay xoogaggii mucaaradka dalka Congo kusoo qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaal caasimadda dalkaasi  ee Kinshasa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 Ruux.

Maanta Oo Kale 30 December 2014: Dowladda Jabuuti iyo mucaaradka dalkaasi ayaa heshiis gaaray, kaas oo dhigayay in mucaaradku ay qaataan kuraasta ay ka heleen doorashooyinkii baarlamaanka dalkaasi ee uu muranku ka dhashay.

Maanta Oo Kale 30 December 2016: Goobjoog Media Group ayaa daah-furtay Telefishinka Goobjoog oo laga daawado meelo badan oo dunida ah.

Maanta Oo Kale 30 December 2016: Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Shire Warsame ayaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Degdegga ah ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. Waxa uuna noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee jago sare ka qabta hey’addaas.

Maanta Oo Kale 30 December 2017: Wasaarada holwaha guud iyo guryeenta dowlad Fedraalka dalka ayaa dib usoo celiyay kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo oo bartamihii 2017 ku dhacday xaalad jawheerar ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close