arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro ah oo Dhiig Ilmeeya … Natiijada Baaritaankii Lagu Sameeyay oo Dhakhaatiirta Ka Yaabisay (Muuqaal)

Wiil dhalinyaro ah oo 22 jir ah ayaa dhakhaatiirta ka yaabiyay, kadib markii ay awoodi waayeen iney ogaadaan sababta uu dhiig u ilmeeyo xilliga uu ooyayo.

Baaritaannadii lagu sameeyay waxaa  lagu ogaaday inaanuu wax cudur ah qabin, iyagoo fahmi waayay sababta keenaysa inuu dhiig ilmeeyo, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Warbixinta ka soo baxday isbitaalkii lagu baaray ayaa lagu sheegay in shaqada beerka wiilkan yar aaney sidii la rabay ahayn, halka aaney jirin caalamado muujinaya inuu dhiig bax gudaha jirka ah uu jiro, sidoo kale waxaa la sheegay inaanuu cudurkani ahayn mid dhaxal ah ama ehelkiisa qof horey u qabay aanuu jirin.

Ilmo-dhiigga  ayaa cilmi ahaan loo yaqaannaa (Haemolacria), waana xaaladda Physical condition ah, inta badan waxey xiriir la leedahay cudurrada qaar, qofkana waxaa lagu arkaa illintiisa oo dhiig uu soo raacayo, mararka qaar qofka dhiig oo qura ayuuba ilmeeyaa.

Haemolacria, ayaa waxa uu calaamad hordhac ah u yahay oo lagu gartaa cudurro farabadan, waxaa dhici kara in dhibaato ay ka jirto habdhiska illinta jirka, ama isbedello hormoon oo qofka ku yimaada, laakiin wiilkan dhalinyarada ah waxaa la garan waayay sababta Haemolacria-kiisa, waa sida ay dhakhaatiiru sheegeen.

Dhakhaatiirtii daaweynaysay dhakhtar ka mid ah ayaa caddeeyay in 30% xaaladda Illin-dhiigga aan sababteeda la garan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close