arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Burus Weyn iyo Qeylo.. Xalwo Japanese Ah oo Dagaal Lagu Sameeyo (Muuqaal)

Magacaygu waa Mitsoo Naakaataanii, waxaan ahay maamulaha maqaaxida (Nakataniidoo) muddo 23-sano ah.

Mochi waa qeyb ka mid ah dhaqanka Japan, xaflad kastana qeyb ayay ka tahay.

Waa xalwada Mochi , aad ayay u macaana tahay, u jilicsan tahay, una jiidjiidantaa.

Waxaa laga sameeyaa nooc ka mid ah bariiska ah oo loo yaqaanno Mochi gome.

Bariiska si xawaare sare leh ayaan burus loogu garaacaa muddo labo daqiiqo ah, waana tan wadiiqada aan ku sameynno.

Habka aan bariiska u garaacaynno waa mid u gaar ah magaaladeenna waa habka (Mochi -Tusokii) oo xawaare sare lagu sameeyo.

Waxaa jira qaabab kala duwan oo Mochi -jiga loo sameeyo, laakiin wadada uu dhaqanku yahay, qof ayaa xalwada garaacaya halka mid kalena uu gacanta ku xashayo.

Tababar gaar ah oo shaqaalaha la siiyaa ee habka Mochi-ga loo garaaco ma jiro, laakiin waa khibrad uu qofku yeelanayo markii uu muddo ku dhex jiro.

Aniga xawaaraha aan ku gacaanco buruska waa 3 gacaan halkii ilbiriqsi.

Marka aad xariif ku tahay habka loo xasho, waxaa muhiim ah waqtiga iyo kalsoonida qofka buruska garaacaya.

Waxaan adeegsannaa qeylo si aan u abuurno jawi isla jaanqaad si habdhaca loo ilaaliyo.

Qof kasta buruska Mochi waa uu garaaci karaa, marka ay doonistu jirto, Aniga waa nolosheyda inaan Mochi garaaco.

Qof kastaa si goonni ah ayuu u tilmaama marka uu dhadhamiyo shay aad u macaan, dadkuna wey ku kala duwan yihiin.

Laakiin xilliga ay iigu farxadda badan tahay waa marka aan arko dadku sida ay ula dhacsan yihiin oo wejigooda aan ka dheehdo farxad.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close