WararkaWaxbarashada

Dagaal Dhaqameedka Budada iyo Ukunta oo Ka Dhacay Dalka Spain (Muuqaal)

Magaalada Eybi ee bariga Spain ayaa sanad kasta December 28, waxaa lagu qabtaa dabbaaldag dhaqameed oo dadka ka qeybgalay ay ku dagaalamayaan budo iyo ukun.

Dabbaaldaggan ayaa waxa uu salka ku hayaa dhaqan hore oo soo bilowday 200 oo sano ka hore, koox ragga ah oo loo yaqaanno bidoolayaasha ayaa kacdoon sameeyay, waxey qabsadeen magaalo ay ku soo rogeen qawaaniin lagu tilmaamay iney ahaayeen kuwo doqonniimo badani ay ku jirto.

Dadka magaaladu waxey ku amreen iney dagaallo comedy iyo madadaalo ah ka sameeyaan waddooyinka, iyagoo budo iyo ukun ku dagaallamaya, qaadanaya dhar midabbeysan iyo koofiyado bir ah oo indhahooda ay ku ilaashadaan, iyadoo jawigu yahay mid farxadeed madadaalo badan, dadkan ayaa iskugu imaanaya barxad weyn oo ay iskugu soo baxayaan, dagaalkan madadaalada leh waxaa loo yaqaannaa dagaalkii budada.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close