WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “31 December”

Maanta oo taariikhda ku begantahay 31 December waa maalinta 365aad ee Sanadka waana maalinta ugu dambeysa ee sanadkaan 2018.

Maanta oo kale 31 December 1781 Bangigi ugu horeeyay ee uu yeesho dalka Mareykanka ayaa la furay, waxaana loogu magac daray Bank of North America.

Maanta oo kale 31 December 1783 Dhammaan gobolada  dhaca Waqooyiga dalka Mareykanka ayaa laga mamnuucay soo dajinta dadka Afrikaanta ah ee loo keenayay in a adoonsado.

Maanta oo kale 31 December 1841 Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa noqday state kii ugu horeeyay ee dalkaasi ee shati ama ogolaansho siiya Dhakhtar qaliinka ilkaha ah.

Maanta oo kale 31 December 1944 Wadanka Hungary ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Jarmalka  inti uu socday dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Maanta oo kale 31 December 1955 shirkadda General Motors ayaa noqotay shirkaddii ugu horeysay ee laga leeyahay dalka Mareykanka ee Sameysa faa’ido ka badan 1 bilyan oo doolar sanad gudihiis.

Maanta oo kale 31 December 1956 Telefishinka Qaranka Romania ayaa ka shaqo bilaabay caasimadda dalkaasi ee Bucharest.

Maanta oo kale 31 December 1970 madaxeynihii dalka Chile Salvador Allende ayaa qarameeyay shaqooyinka dhuxusha dhulka hoostiiisa laga qodo.

Maanta oo kale 31 December 1974 weeraryahankii kooxda Ajax ee John Cruyf ayaa ku guuleystay markiisii 3aad  jaa’izada Ballon d’Or.

Maanta oo kale 31 December 1977 Amir Sheikh Jabir al-Ahmad Al Sabah ayaa noqday hogaamiyha dalka Kuwait.

Maanta oo kale 31 December 1998 Gudiga dhaqaalaha Midowga Yurub ayaa jaangooyay qiimaha lacagaha laga isticmaalo dalalka ku bahoobay EU iyo waliba lacagta EURO-da

Maanta oo kale 31 December 1999 Madaxweynihii ugu horeeyay ee  dalka Ruushka Boris Yeltsin ayaa xilka iska casilay, waxaana xilka si ku meel gaar ahaan ah u qabtay ra’iisul wasaarihii xilligaasi ee Vladimir Putin.

Maanta oo kale 31 December 1999 Waxa ay ku beegneyd maalintii ugu dambeysay ee qarniga 20aad.

Maanta oo kale 31 December 2004  Waxaa daaha laga rogay daarta dheer ee  Taipei 101 oo ku taal dalka Taiwan, waxa ayna noqotay daarta ugu dheer xilligaas, iyada oo joogeeda uu gaarayay 509 mitir oo u dhiganta 1,670 feet.

Maanta oo kale 31 December 2016 Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya ayaa  diiday miisaaniyad uu hor keeney wasiirka maaliyadda.

Maanta oo kale 31 December 2017  Midowga Yurub ayaa u doortay caasimada dalka Malta ee Valletta  in ay noqoto Caasimadda dhaqanka ee Yurub sanadda 2018.

Maanta oo kale 31 December 2017  Waxaa dhacay shirkii sanadlaha ahaa ee xiriirka kubadda cagta dalka Soomaaliya, waxaana laga soo saaray qodob badan oo ugu muhiimsanaa in la abaabulo tartamo badan sanadka 2018.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close